Sanduuqa Madow Diyaaradii ku burburtay Garoonka Beled-weyne oo lagu soo baari doono Kenya.

Danjiraha Kenya u jooga Somalia, Ambassador Lukas Tumbo ayaa ka hadlay qorshaha lagu soo baari doono Sanduuqa Diyaaradii bartamihii bishan ku burburtay Garoonka Beled-weyne, wuxuuna xusay in Sanduuqa Madow ee Diyaaradaasi loo duulin doono magaalladda Nairobi, si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyey Xogta ku duuban Sanduuqaasi.

Ambassador Lukas Tumbo waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wargeyska Maalinlaha ee Daily Nation ee ka soo baxa Nairobi, wuxuuna xusay in Sanduuqa Madow iyo Qalabka kale ee wax duuba ee ku rakibnaa Diyaaradaasi la baari doono Xogta ku duuban, iyadoo ay warar kala duwan ka soo baxayaan waxyaabaha sababay inay Diyaaradaasi oo bishan July 14-dii ku burburtay Garoonka Ugaas Khaliif ee magaalladda Beled-weyne.

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa FOKER waxay burburtay, xilli ay Garoonka Ugaas Khaliif ku dejin lahayd Shixnad ay ka soo daabuleen dalka Jabuuti, oo loo waday Ciiddanka AMISOM ee ka hawlgala Beled-weyne.

Shirkadda Diyaaradaha ee Blue Bird Aviation, kana diiwaan gashan dalka Kenya ayaa waxay Qandaraas shaqo la lahayd QM si Shixnadaha Sahayda ugu daabulaan magaalladda Beled-weyne ee Bartamaha Somalia.

Diyaaradda burburtay oo qiimaheedu dhamaa 500 million ee Shillinka Kenya ayaa waxaa horey loo sheegay inay Garoonka Beled-weyne ku burburtay, kadib, markii ay Diyaaradda ku dhacday Dameer ku sugnaa Dhabaha ay Diyaaradaha soo caga-dhigtaan.

Hase yeeshee Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan, Cali Cismaan Jeyte ayaa beeniyey arrintaasi, isagoo sheegay inay cilladu ka timid Duuliyaha Diyaaradda oo aan Khibrad lahayn, iyo inay Diyaaradda baalka ku dhufatay Carro-tuur dhinac yaallay Garoonka.