Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo gaaray Cadaado+Sawirro

Cadaado:-Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), dhiggiisa Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Wasiirro ka tirsan Labada maamul ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa in ay kulamo kala duwan la yeeshaan maamulka Magaalada Cadaado iyo Odayaasha dhaqanka.