Ma leeyihiin Dadka K/Afrika Nabadoono ama shaqsi looga dacwooda kuwa Dhaca iyo Dilka ka gaysanaaya Dalkaasi?.

Dadka South African-ka ah, yar walaa weyn waa isku mid ma lahan Oday~dhaqameed ama Masuul looga ashtakoon karo wixii kaasoo gaara Qulqulatooyinka ama Falalka Qawlaysatada kula kacaan Ajaanibta usoo nolol iyo shaqo tagay Koonfur Afrika.


Qalalaasaha Shisheeye-Naceybka ah kolba marbuu Qarxaa, waxaana sii huriya Shaqo la’aanta baahsan iyo Saboolnimada haysata oo 60% lagu qiyaaso.
Safaaradda ay Somalia ku leedahay South Africa, inkastoo ay diiwaangeliyeen kiisas Soomaali badan loo gaystay, misana ma sheegaan in Dowladda South Africa kala hadleen iyo wixii ay iska yiraahdeen, Sidoo kale Hay’adaha Xuquuqda aadanahana kama hadlaan badanaa dhibka soo gaara Muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Hadaba Sidee looga gudbi karaa baad is leedahay, oo xal loogu heli karaa Nabarada Naf iyo Maalba leh ee ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed kala kulmaan Koonfur Afrika, tan iyo sanadkii 1996-kii .
MAXAY ADIGA KULA TAHAY ❓
Abdulrazak IndhaJaceyl