Hirshabeelle oo xarun Caafimaad ka hir-gelineysa degaanka Ceel-jaalle.

Baladweyne:-Wasaaradda Caafimaadka ee maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa xarun Caafimaad oo cusub ka hir-gelineysa degaanka Ceel-jaalle ee duleedka Magaalada Baladweyne.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle, Tahliil Ibraahim Cabdi  ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in dhaqaalaha ku baxaya dhismaha xaruntan uu bixiyay mutadawaca weyn ee reer Qadar, Sheekh Thani bin Abullah Al-Thani, fulinteedana ay iska kaashanayaan maamulka Hirshabeelle iyo hay’adda Save the Children.

Wuxuu sheegay Agaasimuhu in degaanka Ceel-jaalle uu yahay goob ay ku barakacaan inta badan Dadka ku dhaqan Baladweyne xiliyada ay fatahaaduhu dhacaan, sidaa daraaddeedna ay door bidayaan inay halkaasi ka hir-geliyaan adeegyada asaasiga u ah ee Bulshada.

Xaruntan ayaa lagu wadaa in lagu soo gaba-gabeeyo Bilo gudahood, isla markaana ay fuliso dhammaan adeegyada Caafimaad ee Bulshada ku dhaqan ama u barakaca degaanka Ceel-jaalle sida uu Agaasimuhu sheegay.