Dowladda Jarmalka oo qaaday 83-ruux oo isugu jira Carruur iyo waalidkood qaxooti ku ahaa Giriigga.

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in ay aqbashay la wareegidda 83-ruux oo carruur aan qaan-gaarin ah uu qaxooti ahaan ugu sugnaa dalka Giriigga, kadib markii ay halkaas ku xannuunsadeen.

Dadkaan waxaa la socda eheladooda, waxaana Jimcihii laga qaaday Magaalada Athens ee xarunta dalka Giriigga, kadib markii diyaarad gaar ah Dowladda Jarmalka ay usoo dirtay lagu qaaday.

Afhayeenad u hadashay Wasaaradda Arrimaha gudaha Jarmalka ayaa sheegtay in dadkaan la geeyay meel gaar ah oo ku taalla Magaalada Kassel ee dhacda Bartamaha Dowladda Federaalka Germany.

Wakaaladda Wararka Jarmalka ayaa daabacday in dadkaan ay kamid yihiin 17-Carruur ah oo kasoo kala jeeda 18-Qoys, waana ay xannuunsan yihiin, inkasta oo aysan Dowladdu sheegin nuuca xannuun ee haya.

Afhayeenyadda u hadashay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa intaa ku dartay in la daweynayo dadkaan xannuunsanaya oo la dhigay xarun caafimaad oo ku taalla Magaalada Kassel ee dalka Jarmalka.

Jinsiyadda dadkaan oo ay shaacisay Dowladda waxa ay kasoo kala jeedaan Dalalka dhibaatooyinka ka jiraan, 6-ruux waxa ay u dhasheen Soomaaliya, 54-kamid ah waa reer Afgaanistaan, 8-qof waa Ciraaq, 8-qof waa Falastiiniyiin iyo 7-ruux ooSuuriyaan ah.

8-kamid ah waa 6-sano jir, 9-ruux waa 7-sano ilaa 13-jir, qaarkood waa 15-sano jiro, halka waalidiintooda ay da’ ahaan jiraan 32/33-sano, dhammaantood waa da’yar xilitaa waalidiintooda oo ka hooseeya 40-sano.

Dowladda Jarmalka ayaa shaacisay in ay mareen dhammaan dadkaan Baarista cudurka Covid-19 oo laga waayay, waxaana ay heystaan warqado Caafimaad oo caddeynaya in ay kala baareen Dowladaha Giriigga iyo Jarmalka.

Qaxootigaan waxa ay muddo ku sugnaayeen Xero ku taalla Jasiiradda Gariigga ee Bariga dhacda laguna magacaabo Aegean Sea, Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in iyada oo qadarineysa xuquuqda aadanaha ay u sameysay samafalkaas lagu qaaday.

Waxaa kale oo Giriigga ku xanniban Qaxooti ka soo gudbay Dalka Turkiga oo ay xuduud wadaag yihiin, dalal dhaca qaaradda Yurub ayaa xoojiyay ilaalada soohdinta si aysan usoo gudbin dadkaan, sabab ka dhalatay faafitaanka Covid-19.

Dhanka kale 1600 carruur ah ayaa laga qaaday xeryaha Qaxootiga Giriigga, kadib markii Dowladaha Switzerland, Germany, Finland iyo Portugal ay ogolaadeen badbaadintooda.