Dowladda Britain oo ay bixisay ka faa’ideysan doonaan Somalia iyo Somaliland.

Xoghayaha Dowladda Britain ugu qaabilsan Horumarinta Caalamiga, Anne-Marie Belinda Trevelyan ayaa sheegtay inay Somalia ugu deeqaan Lacag dheeraad oo dha 18 million oo Geni, una dhiganta in ka badan 22 million oo Dollar, oo looga jawaabayo Ka-hortaga Ayaxa.

Hadalkaasi waxay kaga dhawaaqday mar uu booqasho ku tegtay Xarunta Shirkadda Micron Group oo Hay’addd QM ugu qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee FAO ka taageerto Sunta lagula dagaalamo Cayayaanka.

Waxay kaloo sheegtay inay Somalia ka faa’ideysan doonto Deeqda cusub ee Britain ee sanadkan lagula dagaalamayo Ayaxa ka dillaacay Qaaradda Afrika iyo Asia.

Xoghayaha Dowladda Britain ugu qaabilsan Horumarinta Caalamiga, Anne-Marie Belinda Trevelyan waxay kaloo sheegtay in Kaalmada Cusub ee ay ku dhawaaqday inay toos loo gudbin karo Hay’adda QM ugu qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee FAO oo horey u codsatay Taakuleyn Caalami, si looga hortago Khatarta uu Ayaxu ku hayo Beeraha dalalka Bariga Afrika oo ay Somalia ku jirto iyo dalka Yemen iyo dalalka ku yaalla K/Galbeed ee Qaaradda Asia.

Dhinaca kale, Danjiraha Britain u jooga Somalia, Ambassador Ben Fender waxa uu tilmamay in Ayaxa ka dillaacay Somalia iyo Somaliland uu dhibaato xooggan ku hayo dadka aadka u nool ee ku nool dalka Somalia, oo uu xusay inay horey wajaheen sanad dhibaato miiran ee Natiijada Daadadka iyo Cududurka COVID 19.

Waxa uu intaasi ku daray inay kala shaqeyn doonaan Hay’adda FAO iyo Dowladda Somalia sidii sare loogu qaadi lahaa Sahminta iyo Kontoroolka Hawlgalladda lagula dagaalamayo Ayaxa iyo in la badbaadiyo Abuurka Dalagyada soo go’ayo

Deeqda Cusub ee UK waxay imaanaysaa iyadoo ay Dowladda Britain bilowgii sanadkan bixisay 9.8 million oo Dollar, kadib, markii ay Hay’adda FAO codsatay Lacago lagu taageerayo Somalia, Kenya, Ethiopia, Sudan, South Sudan, Eritrea, Jabuuti, Tanzania iyo Pakistan.