Dowlad-gobaleedyo soo magacaabay Xubnaha Guddiga Farsamada ee Doorashooyinka.

Saddex Dowlad-gobaleed ayaa waxay durbadiiba soo bandhigeen Liiska Ergooyinka xubnaha uga noqon doona Guddiyada Farsamo ee diyaarin doona Nidaamka Doorasho ee dalka.

Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare waxa uu xubnaha Guddiga Farsamada ee uu soo magacaabay kala yihiin:

  • – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose, Maxamed Cali Caadle
  • Madaxa Xafiiska Amniga Dowladda HirShabelele, Cabdul Maxamed Faarax Makaraan.

Sidoo kale, Madaxweynaha DG Puntland, Saciid C/llaahi Deni waxa uu xubnaha Guddiga Farsamada ee uu soo magacaabay kala yihiin:

  • Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.
  • Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Puntland, C/weli Cali Cabdulle.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha DG Jubbaland, Axmed Madoobe wuxuu Guddiga Farsamo ee uu soo magacaabay kala yihiin:

  • Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland, Xersi Jaamac Gaani
  • Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland, Xamza Cabdi Barre

Dhinaca kale, DFS iyo Dowlad-gobaleedyada Galmudug iyo KGS ayaa laga war-dhowrayaa inay soo magacaabaan Xubnaha uga mid noqon doona Guddiga Farsamo ee Doorashadda, si ay ugu biiraan Guddiyada Farsamo ee ay Dolwad-gobaleedyada Hirshabelle, Puntland iyo Jubbaland soo magacaabeen.

Guddiyada Farsamo ee DF iyo Dowlad-gobaleedyada ayaa la filayaa inay soo diyaariyaan Nooca Doorasho ee la isku raacsan yahay, iyadoo ay Guddiyada Farsamo warbixintooda rasmiga ah ku soo bandhigi doonaan Shirka Wada-tashiga Dhuusamareeb 3, kaasi oo furmi doona bisha soo socota ee August 15-da.

Dhanka kale, Guddiyadaasi ayaa laga yaabaa inay ku biiraan Guddiyo Farsamo oo ay soo magacaabaan Xisbiyadda Siyaasadda ee diiwaan gashan, balse, taasi lama hubo qaabka ay DFS iyo Dowlad-gobaleedyada u oggolaan karaan.