Dhuusamareeb:Waxaa la waayay Cid Gambaleelka Doorasho ku xirto Bisadaha Deegaanada Hargesa, Mogadhiso iyo Al-Shabab=Nasashada Jimcaha. Q-210=

1-Haddii aad Guurdoon tahay, inta aadan wax weydiin Raggii hortaa guursaday iyo Gabadha aad Goorsanee. Marka hore waxaad xiriir fiican la sameeysaa Sodogtaa. Sodogto waa sida Dowladda Mareykanka oo kale. Haddeey kugu qanacsan tahay ,aad ayey kuu amaanee, Guurkaaguna waa hagaagayaa. Hadeeyse, Kuu xanaaqsan tahay waxa ey kugu daree “Liiska Argagixisada”.
( Dadka lagu daro Liiska Argagisada Caalamku, ma ahan Dambiilayaal, ee Macalinka ayaa dantiisii ka waayay, yaan laguugu cabsiin Liis Caalamiya ayaa laguugu daraa, Safaraa lagaa joojinaa, Account ayaa lagaa xiraa… Sodogtaa soo dhaweeyso ,waa iga talo)
2- Gabar qurxaneed oo xaafadda joogtay ,ayaa jirkeedii bedeshay oo aad isku cadeeysay, kadibna midabkeedii uu ekaaday Maqaar Shabeel, Sankii, Carabkii iyo xuduntiina Faraantiyo ayey ku xiratay, Madaxiina bar ayey ka xiirtay. Gabadhii waxa ey noqotay midda ugu fool xun Xaafadda. Habeen ayeey Musqusha gashay ,iridda markii ey mareeysay ayeey Tiri: Acuudu bilaalhi. Sheeydaan Gudaha ku jiray ayaa yiri: war anaaba kaa cabsaday oo kaa cowdi bileeystay ee aan soo baxo ee Iridda ii baneey.
Gabadhii markii ey u adkeysan weyday Caayda dhalinyarada xaafadda ayey Amerika aaday, si ey ugu biirto kuwa ey iska dhig dhigi jirtay. Muddo markii ey maqneed ayaa Aabaheed loo sheegay in Gabadhiisii ey ka baxday Diinta Islaamka oo ey ku biirtay Diinta kirishtaanka.
Aabihii ayaa yiri: Alxamdu lilaahi, haddiiba fool xumadeedii ey Islaamka kala dhax baxday, oo Gaaladdii ula gashay. ( F.S: 1aad)
( Qoom haddad isku ekeysiiso marka dambe iyagaad ka mid noqonee. Ka ilaali in owlaadaadu ay ku faanaan muuqaalka Gaalada oo la isku ekeysiiyo, marka dambe Mabda’ooda Diimeed ayaa lagu duufsanayaa. Diintaada iyo dhaqankaaga ha siku ekaadeen , intaan sheydaanku kaa coowdibileysan Adiga., Gabareey Haddii Deriskii, iyo waalidkiiba ku neceen , Allaah agtii maxaad u maleeynee? )
3-Dooliyaal ayaa Shir ka yeeshay sidii wax looga qaban lahaa Khatarta Bisaddu ku heeyso iyo in Shirka aan lagu casuumin Bisadaha. Dood Dheer kadin ayaa la isku raacay in Bisadda Dibka looga xiro Gambaleel si shanqarta Gambaleelka loo maqlo marka ey soo socoto. Waxaa la is weydiiyay yaa ku soo xirayo Gambaleelka Bisadda Dabadeeda?. Mid kasta waa ka aamusay, Shirkiina waxaa ka soo baxay in la shiray oo kaliya. ( F.S: 2aad)
( Shirkii Dhuusamareeb waxaa ka soo baxay go’aan ku kooban in la shiray, laakin waxaa la waayay Cid Gambaleelka Doorasho ku xirto Bisadaha Deegaanada Hargesa, Mogadhiso, iyo Al-shabab )
4- Laba Nin oo Reer Gaalkacyo ah ayaa Dagaalay oo laga quustay in la kala celiyo, Dadkii oo dhan ayaa isaga tagay. Muddo markii ey dagaalayeen kaligood oo ey waayeen Cid kala celiso. Mid ayaa yiri: war ma maqashay Qofka leh Ragga kala celiya. Kii kale ayaa yiri: war Anniguba mar horaan maqlay ee waan hubiniyay. Weeyna is daayeen ( F.S: 3aad)
( Somaliyeed haddii la waayay Cid walaala oo idin kala celiso, Reer Gaalkacyo Cashar ka qaata)
5- Koo doqon ah ayaa Qolka waxa uu ugu soo galay Xaaskiisii oo qaawan, waxa uu ku yiri: Maxaa kugu dhacay?. waxa ey ku tiri: Wadnaha ayaa aad ii garaacayo. Telefonkiisa ayuu soo qabsaday si uu ula xiriiro Isbitaalka. Wiil yar oo uu dhalay ayaa ku yiri: Aabe ,Xattaa Adeer Farax isaga oo qaawan ayuu sariirta ku hoos jiraa isagana Wadnaha miyaa xanuunayo. Doqonkii, Sariirtii hoosteeda ayuu ku arakay. Odaygii, inta qeyliyay ayuu yiri: war faaraxoow, Naagteeydiina wadna xanuun ayeey Dharkii isaga tuurtay. Adiguna Adiga oo qaawan ayaad culeeyskeeda igu fiirsee, war kaalay deg deg iila qaad aan Isbitaalka geeynee. ( F.S:4aad)
(Ummaddu hadeey Siyaasadda Doqon ka tahay, kii qaawiyay ayey Qofkuu qaawiyay ila qaad tiraa. Markaa ayey ku tiraa walaal, waad ku mahadsan tahay Gacantii aad i siisay, Doqon iyo Siyaasad hala kala ilaaliyo)
6- Nin ayaa Xaaskiisii ku tiri: war kaalay igu caawi ,Dharka aan dhaqayo waridiisa, Adigaa dheere. Waxa uu ku yiri: war ma doobi ( Lavadanyo) baan ka shaqeeyaa. Haddana waxa ey tiri: war Tubbada Biyaha ee Gurigunu waa jaban tahay ee noo sameey. Waxa uu yiri: Ma farsamayaqaan Tubo ka shaqeeyo ayaan ahay. Waxa ey ku tiri: walba Sanduuqaa faaruqaa ii soo jiid aan ku dul istaagee. Waxa uu yiri: war ma Xamaali ayaad ii maleysay, Xamaalnimo kuma shaqeysto. Shaqadiisii ayuuna iska aaday.
Galabtii ayuu soo noqday ,waxa uu arkay, Dharkii oo waran , Sanduuqii oo la soo jiiday, Tubadii oo la sameeyay. waxa uu ku yiri: oo shaqadaan yaa kuu qabtay? waxa ey tiri: Wiil deriska ah ayaa ii qabtay ,laakin shardi adag ayuu igu xiray, oo ah in aan Siiyo “Xabbad Rooti” ah ama in aan si naxariis leh “Bushimaha uga dhunkado”. Ninkii ayaa yiri: waxaan filayaa in aad siisay Xabadda Rooti ah. waxa ey ku tiri: oo Anigu ma Foornada, Rotiga lagu Sameeyo ayaan ka shaqeeyaa. ( F.S: 5aad)
( Hadaadan Caawin Xaaskaaga, haka Caroon haddii la caawiyo)
Qore: Yahya Amir