Shaqo Doon:CV-ga Cali Mujaahid ina Farax Xaq u dirir.

1-Waxa uu calool galay waalidkii oo u dagaalamayo Xuriyada Dalka. Waxa uu dhashay 1960 iyada oo Xuriya loo dabaaldegayo. Laakin Maalintaa wixii ka dambeeyay Cali Mujaahid Nabad ma arag.
2- Isaga oo 4 jir ah ayuu la kulmay Dagaalkii 1964 ee Somaliya & Ethiopia, Aabihii ayaa ku dhaawacmay Dagaalkii.
3-Isaga oo 9 sanno jir ah Sannadkii 1969, waxa Reerkiisii ey ka qaxeen Dagaalkii doorshadii qabiil ee la isku dilayay.
4-10 jirkiisii waxaa uu la koowsaday Kacaan Xuriyadii Qofka qaaday , oo Qabiil kaliya laga amar qaadanayay. Gurigoodii Dan guud ayaa loo dumiyay ,mag dhawna lama siin, Cid kale ayaana xoog loogu cabiray.
5- Isaga oo 17 jir ah Sannadkii 1977 waxaa loo qafaalay Dagaalkii 77. Waxaana ka soo gaaray dhawac culuc.
6- iasaga oo 20 ir ah Sanadkii 1980 , waxa uu ka qeyb qaatay Burburintii Gobalada waqooyi.
7- Ciidankii ayuu isaga baxsaday 1984 waxa uu ku biiray Jabhado hubeysan, waxa uu wax ka riday Kacaankii Sannadkii 1991, waxa uuna isaga baxay Jabhadihii isaga oo 31 jir ah.
8- sannaskii 1992 isaga oo 32 jir ah waxaa uu ka qeyb galay Dagaalkii Jabhadaha ee Qabiilada dhaxdooda ahaa.
9-kadibna waxa uu ka qeyb galay la dagaalankii UMINSIOM sannaskuu 1993 isaga oo 33 jir ah.
10- kadibna isaga oo 34 jir ah, 1994 waxa uu ku biiray Ciidamada madaxa banana ee howl kasta ee loo dirto fuliyo si ey lacag u helaan.Dadkana u Qafaashaan ama dilaan, Gadiidkana uga dhacaan, kadibna Burcad Badeed ayuu ku biiray.
11- kadibna waxa uu ku biiray ururadii Diiniga aha ee Itixaadka 1995 isaga oo 35 jir ah.
12- isagoo 40 jir ah ayuu Sannadkii 2000, tababar qaatay, kadibna isaga oo 46 jir ah Sannadkii 2006 ayuu la dagaalay Ciidamadii ethiopba ee dalka soo galay, mar kale ayuu ku Curyaamay.
13- kadibna Sannadkii 2007 isaga oo 47 jir ah waxa uu ku biiray isbitaalka Martiini qeybta Ciidamadii ku dhaawacmay Dagaalkii 77 oo aan cidina daryeelin
14- isaga oo 49jir ah ayuu Sannadkii 2009, waxaa uu ka qeyb galay Dagaaladii Maxaakiimta iyo Al- shabab, kadibna waa isaga baxay.
15-Kadibna isaga oo 52 jir ah ayuu sannadkii 2012 ayuu ku biiray , ciidamo ey tababaraan Calooshood u shaqeysta yaal Caalamiya oo heysta Qabdaraas Shidaal iyo Ilaalin Ajaanibta.
16-Kadibna isaga oo 55 jir ah oo Sarkaal beedeed ah ayuu madax ka noqday Ciidan Beel Dowladeed, si uu u liaaliyo Masuuliyiinta Qabiilka la ah iyo Qurba joogta Qabiilka ee xilalka loo magacaabay.
17- kadibna waxa uu ka qeyb qaatay Dagaaladii Difaaca Masuul beeleeda si loo sii Difaaco kusrga Gobalka ee 2021 si Madaxda maamul goblaedyada Qaarkood xilka looga qaado.
18-Hadda waa Cali Mujaahid waa 63 Sanno jir, Qori AK 47 ah wato oo weli xaq u dirir ah, isaga iyo Caruurtiisuba.
19-Waxa uu diyaar u yahay in isaga iya caruurtiisu ey ka qeyb galaan, Dagaaal Doorasheedka 2021.
FG: Mujahid Cali, Weligii isma weydiin Dagaalada uu galayo, waxa uu Aaminsanaa sida madaxdiisu ugu sheegto, Haddana waxa uu diyaar u yahay in uu ka qeyb galo, Dagaal kasta oo loogu sheego in lagu difaacayo, Dalka, Diinta, Dowlada, Qabiilka iyo Madaxda beesha.
Ninkaa Dambiga ma isagaa iska galay?, ma mujtamaca ayaa ka galay?, ma Maamuladii jiray ayaa ka galay?.
War Dadka Cumrigooda yaan lagu dhameeyn iyada oo loo isticmaalayo Dan Gaar ah, kadibna yaan Qashinka lagu darin, Aduun iyo Aakhira Beel na la dhigin, ee ha loo jaheeyo isaga iyo Caruurtiisaba, Howl sharaf u leh, Dadlka, Dadka iyo Diinta. waa iga talo.
Ogow haddan Isaga iyo Caruurtiisa wax loo qaban, in Adiga iyo Caruurtaaduna Qax iyo Qurbo ayaad ku noolaan doontiin.
In kasta uunan wiligii Nabad arag, Haddana Nabbadada waa jecelyahy. Welina,waa u diyaar Mujaahid Cali ina Farax Haq u diriri, haddii aad shaqo u heeyso oo CV-giisu ku cajabiyay.
Arragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii ka khaldan ka sax.
Qore: Yahya Amir