Al-Shabaab weerar ku qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Kenya iyo khasaaro ka dhashay.

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Booliska Kenya ku leeyihiin deegaanka Yumbis ee gobolka Gaarisa ,waxaana la sheegay in uu halkaasi ka dhacay dagaal culus.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay inay mar qura ka war heleen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac ee Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab,isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkaas.

Waxgaradka deegaanka Yumbis ee gobolka Gaarisa ayaa Warbaahinta gudaha dalkaasi waxay u sheegeen inay dareemeen cabsi ballaaran markii uu dhacay dagaalka, sidoo kalena dadka ka agdhow saldhiga Ciidamada Kenay ay barakaceen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Booliska Kenya ee degaanka Yumbis ee gobolka Gaarisa, iyaga oo sheegay inay werarkaasi ku dileen lix Askari 10 kalena ku dhaawaceen.

SDhanka kale araakiisha Ciidamada Booliska Kenya weli wax faah faahin ah kama bixin weerarka ay Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga degaanka Yumbis,waxaana lagu soo waramayaa in Maanta Ciidamada Kenya ay wadaan howlgallo kala duwan.