Masar oo Qalqaalo ugu jirta Saldhig Milliteri oo ay ka dhistaan Somaliland ama Eritrea.

Dowladda Masar ayaa waxay baadigoob iyo galangal xooggan ugu jirtaa sidii ay Saldhig Ciiddanka Badda ugu yeelan lahaayeen Mandiqadda Geeska Afrika, xilli ay Xiisad Khatarteeda leh kala dhexeyso Dowladda Ethiopia oo ay isku hayaan Saami-qeybsiga Biyaha Webiga Niil iyo Dhismaha Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD.

Majaladda Geopolitical Futures ee Xarunteeda dhexe ku taallo dalka Maraykanka waxay dhawaan qortay Warbixin Khaas ah oo ku aadan hamiga Masaarida ee Yegleelida Saldhig Baddeed ay ku yeeshaan goobo ku dhow Xuduudka dalka Ethiopia, sida  Somaliland oo sheegata inay Somalia ka go’day iyo dalka Eritrea.

Warbixinta Majaladda ay qortay waxaa Cinwaan looga dhigay: “Masar oo doonaysa inay Saldhig Milliteri ku yeelato Somalia ama Eritrea”, inkastoo gudaha Warbixinta lagu muujinayso in Wafdi heer sare oo ka socday Masar ay dhawaan booqdeen magaalladda Hargeysa oo ay kula kulmeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Warbixinta Majaladda Geopolitical Futures waxaa lagu xusay inay Wafdiga Masaarida u sheegeen Madaxweynaha Somaliland Ra’yi ku aadan Dhismaha Saldhigag Milliteri ee Masaarida ee Xeebaha Somaliland ee Kaabiga ku haya Gacanka Cadmeed.

Kulankaasi waxay labada dhinac ee Masar iyo Somaliland ku heshiiyeen in Xafiisyo ka shaqeeya Danaha Labada dhinac ka kala furtaan magaallooyinka Hargeysa iyo Qaahira.

Warbixinta Majaladda Geopolitical Futures waxaa kaloo lagu sheegay inay Doondoonista Dowladda Masar ee Saldhig Milliteri oo ay ku yeeshaan  Somaliland waxay ku soo beegantay iyadoo ay horey muhiimad u siin jirtay inay Saldhig Milliteri ku yeeshaan dalalka Jabuuti, South Sudan iyo Eritrea.

Dhinaca kale, Majaladda Geopolitical Futures waxay qortay inay DFS ku gacan-sayrtay Codsi Dowladda Masaarida ku doonayso inay Saldhig ka sameeystaan Xeebaha Somalia, xilli ay DFS horey labo jeer ugu gacan sayrtay Bayaankii Ururka Jaamacadda Carabta ee lagu taageeray Mowqifka Taariikhiga ee Xuquuqda Masaarida ee biyaha Niil.

Dowladaha Carabta waxay badankooda u arkaan in Mowqifka Somalia ee Qaddiyadda Carbeed ay kudhdinac tahay Dowladaha Turkiga iyo Qatar, waa sida lagu daabacay Geopolitical Futures.

Warbixinta Majaladda waxaa kaloo lagu muujiyey inay suurtogal tahay inay Dowladda Masar Codsi noocaasi ah u gubisay ama ay u gudbin doonto Dowladda Eritrea, iyadoo ay Labada Madaxweyne, C/fataax Al-sisi iyo Isaias Afwerki kulan ku yeesheen Qaahira waqti hore oo ka mid ah bishan July.

Booqashada uu Madaxweynaha Eritrea ku tegay magaalladda Qaahira waxay dareen gelisay Dowladda Ethiopia, iyadoo Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed uu booqasho degdeg ah ku tegay Caasimadda dalka Eritrea ee Asmara, halkaasi oo uu Mdaxweyne Afewerki kula kulmay.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Masar waxay bishii Janaayo ee sanadkan shaacisay inay doonayaan inay Saldhig Weyn oo Milliteri inay ka dhigtaan Badda Cas, si ay u muujiso Awoodeeda Ciiddan haddii uu Isbedel ku yimaado Xaalladda Gobaleedka ama Isbedelka Caalamka.