Dibadbaxayaal K/Afrikaan ah oo Ganacsato Soomaali ah Dukaamadooda.

Wararka naga soo gaarayo  Xaafadda Karaifontein oo ka tirsan magaalladda Cape Town ee dalka Koonfur Afrika waxay sheegayaan inay Dibadbaxayaal cagta mariyeen 2 Dukaan oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaaali ah.

Boobkaasi ayaa wuxuu yimid, iyadoo ay shalay Dibadbaxayaal ka dhaceen Xaafadaasi, kuwaasi oo ay Boliska isku dhaceen.

Sida laga soo xigtay Ganacsade Ibraahim Mataan oo ku sugan Xaafadaasi waxay Dibadbaxayaasha boobeen goobo ganacsi, ka hor intaysan Booliska ka hortegin in goobo kale la sii bililiqeysto.

Ganacsatada Soomaalida ku nool dalkaasi waxay had iyo jeer Dhibanayaal u yihiin Burcadda Koonfur Afrikaanka iyo qaar ka mid ah Dadka Deegaanka oo caadi ka dhigtay dhaca loo geysto Ganacsatada Soomaalida.

Isbuucan gudihiisa waxay Burcad hubeysan dileen 2 Muwaadin oo Soomaali ah, halka kuwo kale ay dhaawaceen.

Dhanka kale, Ganacsatada Soomaalida ku sugan dalkaasi waxay ka cabanayaan Hawlgallada kooban ee Ciiddanka Ammaanka ka fuliyaan Deegaanadda lagu dhaco, laguna dilo Ganacsatada Soomaalida.