Xasan Sheekh oo shaki geliyay in dalka Soomaaliya ay ka dhici karto doorasho.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho wuxuu kaga hadlay Arrimaha Doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan, isaga oo shaki geliyay in dalka Soomaaliya ay ka dhici karto doorasho.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii 8 aad ee Soomaaliya ayaa mowqifka Madasha Xisbiyada ee arrimaha doorashooyinka ku tilmaamay in ay tahay mid ay madaxda, saamileyda siyaasadeed ee dalka iyo Bulshada Soomaaliyeed ay heshiis ku yihiin.

Xasan Sheekh ayaa waxaa uu rajo wanaagsan uu ka muujiyay waxyaabaha kasoo bixi doona Shirka Dhuusamareeb, isagoo ku tilmaamay natiijada shirkaasi in uu wax badan ka beli doono Arrimaha Siyaasadda dalka.

Shirka Dhuusamareeb ayuu sheegay inay aqoonsan karaan Shirkaasi oo kaliya marka laga wada qeyb galo tallada lagu go’aaminayo doorashada Soomaaliya isagoo sheegay in ay ku baaqayaan in dhinacyo gaar ah aysan isku koobin shirka sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu tilmaamay in Madasha Xisbiyada Qaran ay diyaar u tahay in ay soo dhaweyso tilaabo walba oo looga hadlaayo Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, isagoona sheegay in wali aysan cadeyn xilliga doorashada dalka ay dhaceyso iyo waqtigeedaba.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa lagu waddaa in maalmaha soo socda uu ka furmo Shirka Madaxda maamul goboleedyadda iyo kuwa dowladda dhexe ee Soomaaliya kaas oo la soo sheegayo in lagu muransanyahay nuucada doorashada dalka.

Hogaamiyaasha dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo xisbiyada waaweyn ee mucaaradka ayaa sheegaya in aan lagala tashan sharciga. Waxay ka walaacsan yihiin qodobka 53-aad ee sharciga cusub, kaasoo awood u siinaya dowladda federaalka inay dib u dhigto doorashada haddii ay dhacdo musiibo qaran sida daadadka, macaluusha ama iskahorimaad hubaysan, waa qodobo fududeynaya in loo kordhiyo muddada xilhaynta hoggaanka Federaalka.

Xaliima Ismaaciil Ibraahim, guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka (NIEC), ayaa go’aan ka soo saartay muranka markii ay caddeysay in labada baarlamaan ama madaxweynaha doorashadooda aan la qaban karin. Bishii Juun 27, waxa ay u sheegtay Aqalka Hoose in kala duwanaanshaha siyaasadeed, amni-darrada, daadadka iyo Covid-19 ay caqabad ku noqdeen jadwalka shaqo ee guddiga loona baahanyahay waqti dheeraad kaas oo kordhiyay walaaca laga doorashadu in ay dib u dhacdo.

Waxa ay sheegtay in qabashada doorashada hal-qof iyo hal-cod ee ku saleysan tikniyoolajiyadda ama qaabka casriga ah biometric ay u baahan tahay sagaal bilood oo buuxa inta u dhexeysa July 2020 iyo Maarso 2021 si loo diyaariyo.

Dalladda ugu weyn ee mucaaradka ee Soomaaliya, Madasha Xisbiyada Qaranka (FNP), ayaa si dhakhso ah u dhalleeceysay tallaabada dib loogu dhigayo doorashada. War-saxaafadeedka, mucaaradka waxa ay ku eedeeyeen Xaliimo yaray in ay wadashaqeyn la leedahay dowladda kana shaqaynayso inwaqtiga loo kordhiyo, iyagoo ugu yeeray in ay is casisho.