“Wixii Rag u kaco Rabbina aqbalo way rumowbaan”

Ninkii reer PuntLand yiri: Reer Hirshabeele (Sh.Dhexe ayee tilmaamta ku socotay.) Webi bay haystaan, Warshadii sokorta ayaa ku taal, tii Balcad ee Dharka ayaa ku taal, Soomaaliya meeshii ugu barwaaqada badan ayee ahayd, maantana dadkeeda way dawarsanayaan”Tuugsanayaan”.

Dad baa ka carooday ninkaasi sida uu u hadlay, u bahdilay, u xaqiray, u liiday, u ihaanadeeyay.

Waa hadalo si adag u dhaawacay dareenka dhammaan Shacabka Shabeelada Dhexe, nasiibdarrana, waxaa uu sheegay waa run, xaqiiqda ayuu tilmaamay.

Soomaalida waxay tiraahdaa Run iyo Ilko labadaba waa la cadeeyaa, ninkani reer PuntLand wax kale ma sheegin aan Runta ahayn.

Kuwa ka carooday, ka xanuunsaday hadalada kulul uu ninka yiri, isma ay weydiin cidda run ahaantii u bahdishay, xaqirtay, liiday Shacabka Sh. Dhexe, gaarsiisay heer ay ku dawarsadan, ama iyagoo og af iyo indhaba ka xirteen, isuna badalay 3dii danyeer ma arko, ma ma maqlo, ma hadlo.
Waa maya, isma ay weydiinin!
Waxa Shacabka Shabeelada Dhexe bahdilay, Liiday, Xaqiray waa Shiikh Shariif iyo Xasan Sheekh oo labaduba u magacaabay Cali Guudlawe nin aan aqoon iyo xirfad siyaasadeed midna u lahayn in uu maamulo Magaalo ama Degmo ama Gobol, hase ahaate uu arkeen in uu ku wanaagsanaa in uu iyaga u adeego isla markaana isaga isu adeego.

Labada MW waxaa Shacabka Sh.Dhexe u darnaa Sheekh Shariif oo Gobolka sida uu aaminsanaa ka dhigay Boqortooyo-Dhaxaltooyo u magacaabayana dadkii uu ka soo jeeday kuwii ugu liitay sida Cabdi Jinow Calasow iyo kii ka horeeyay iyo Cali Guudlawe.

Cali Guudlawe 20 sano ayuu Gudoomiye, Gudoomiye ku Xigeen,
Masuulka Maaliyadda Gobolka soo noqday, haddana yahay Madaxweyne ku Xigeenka Hirshabeele, waa maxay hor’umarka uu ku soo kordhiyay Shacabka Sh. Dhexe, Caafimaadka, Waxbarashada, Adeega Bulshada, Amniga, Xasiloonida, hor’umarka dhalinyarada iyo guud ahaan Gobolka.
Waxba, Waxba, Waxba, wax uu ku soo kordhiyay ayaa jirin, Gobolka kama uusan gudbin burburkii iyo aafadii ka soo gaartay dagaaladii sokeeye.

MS Barre kali taliyihii, 21ka sano uu Waddanka hogaaminayay ayuu ku soo kordhiyay waddoyin, Isbitaalo, Skuulo, Ciidan Qaran, Amni, Xasilooni, Kala dambayn haba ku burburaan dagaaladii ahliga ahaa.
Cali Guudlawe 20ka sano uu Gobolka Sh.Dhexe maamulkeeda ku miilmay ayuu wax ka qaban waayay burburkii iyo aafadii soo gaartay, Shacabkiina ugu sii dartay saboolnimadii.

Dr.Abuukar Nuur Xuseyn

Dr Abukar