Wasiir Goodax “Waan la xisaabtami doonaa dhammaan dadka caadeystay inay imtixaanka siyaasadeeyaan..”

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Baraha Bulsahda uu ku arkay muuqaal been abuur ah oo dano siyaasadeed laga leeyahay si loo qal-qal-geliyo imtixaanka Qaranka ee Dugsiga Sare, isla markaana lagu marin habaabinayo carruurta Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada.

Wasiir Goodax wuxuu sheegay in muuqaalkaas ay soo ogaadeen inay ku lug lahaayeen siyaasiyiin doonayay inay fashiliyaan imtixaanka,sidoo kale uu sheegay inay xer xereen dad faro badan oo ku howlanaa qal-qal-gelinta imtixaanka sanadkan 2020.

Wasiir goodax Barre oo sii hadlayay ayaa sheegay inay si adag ula xisaabtami doonna dhammaan dadka caadeystay inay imtixaanka siyaasadeeyaan.,waxaana uu ka codsaday dhammaan Ardayda ummadda Soomaaliyeed in aysan saameyn ku yeelan dadka u istaagay inay idin niyad jabiyaan waa sida uu hadalka u dhigay.

Booliska Soomaaliya ayaa hray digniin uga soo saaray in aan borabagaando laga abuurin imtixaanka ay Wasaaradda waxbarashada Dowladda Soomaaliya qaadeyso qofkii lagu arkaana ay tallaabo ka qaadi doonaan sidoo kalena ay jiraan dad ay xir xireen.