Golaha Shacabka oo Akhrinta saddexaad marsiinaya wax ka badalka sharciga xisbiyadda siyaasadda.

Muqdisho:-Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta KMG golaha shacabka ee Villa Hargeysa.

Ajandaha kulanka maanta ee golaha shacabka ayaa ah dhamaystirka iyo u codeynta Wax Ka badalka Sharciga xisbiyadda siyaasadda, iyada oo kulamadii la soo dhaafay ay xildhibaannadu akhrinta koowaad iyo labaad marsiiyeen Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda dalka.

Golaha shacabka ayaa waxaa horyaalla hindise sharciyeedyo hortebin u leh dalka,waxaana la filayaa in ay meel mariyaan muddada u harsan baarlamaanka 10-aad oo waqtigiisu gabaabsi yahay.

.