Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Masar oo ka wada hadlay Khilaafka Masar iyo Ethiopia.

Labada Madaxweyne oo Khadka Telefoonka xalay ku wada hadlay waxay ka wada xaajoodeen Horumarkii ugu dambeeyey ee Wada-xaajoodka Khilaafka Biyo-xireenka Ethiopia, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada dalka Masar, Basaam Radi.

Madaxweynayaasha Masar iyo Maraykanka waxay kaloo ka wada arrinsadeen Xiisadda dalka Libiya, wuxuuna Madaxweyne Trump ku baaqay in Xal Siyaasadeed lagu dhameeyo Colaadda dalkaasi.

Wada-hadalka Khadka Telefoonka ee Labadaa Waddan waxa uu ku soo beegmay, iyadoo uu Barlamaanka Masar shalay ansixiyey in Ciiddamo Masaari ah loo diri karo dalka Libiya, si ay taageero u siiyaan Hoggaamiyaha Dagaalka, Marshal Khaliifa Xaftar.

Dowladda Masar waxay ka mid tahay Dowladaha taageeradda Milliteri iyo Dhaqaale la garab taagan Khaliifa Xaftar oo isaga guluf ugu jira sidii uu Talada ugla wareegi lahaa Dowladda Midnimada Qaran ee Libiya oo ay QM aqoonsan tahay.

Ciiddanka Dowladda Libiya oo ay Milliteriga Turkiga taakuleeyaamn waxay qorsheynayaan inay u ruqaansadaan Degaanadda Sirte iyo Jufra oo ay ku yaallaan Ceelasha Shidaalka, iyadoo ay Kooxda Khaliifa Xaftar haatan ku sugan yihiin Deegaanadaasi.