Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ku baaqay Shir looga hadlayo Khatarta COVID 19.

Madaxweynaha Kenya waxa uu shaaciyey inuu maalinta Jimcaha la kulmi doono Guddoomiyayaasha Goballadda dalkaasi, si looga arrinsado Faafista Infekshinka cusub ee COVID 19

Madaxweynaha waxa uu ugu yeeray 47-ka Guddoomiyayaasha Goballadda dalkaasi inay dib-u-egaan Arrimaha Dowladda, kadib, markii uu Uhuru Kenyatta bishan 6-dii fududeeyey Xayiraadii Bandowga ee COVID 19.

Afhayeenka Aqalka Dowladda Kenya, Kanza Dena wuxuu sheegay inuu Xilligan Cuddurka COVID 19 ku faafay 44 Gobal oo ka mid ah 47-ka Gobal ee dalkaasi.

Fayriska Koroona waxa uu aad u saameeyey shaqaalaha Dowwladda, iyadoo Kulamadii Barlamaanka dalkaasi la joojiyey, kadib, markii in ka badan 50 Shaqaalaha Xarunta Barlamaanka laga helay COVID 19.

Tirada Guud ee dadka Kenyaanka ee laga helay Xanuunkaasi ay gaarayaan 13,771 qof, iyadoo celcelis ahaan uu 400 oo qof uu ku dhacay Coronavirus muddo hal isbuuc oo keliya.