Madaxweynaha dalka Algeria oo mar kale u gefay Sumcadda Soomaaliya.

Madaxweyne C/Majiid Teboune waxa uu ka digay inuu dalka Libiya khatar ugu jiro inay la mid noqdaan Xaalladda Somalia ka jirta oo kale.

Madaxweynaha Algeria waxa uu hadalkaasi sheegay, kadib, markii ay Dowladda Masar sheegtay inay hubeynayso Qabaa’illadda dalka Libiya, si ay uga hor tagaan Ciiddamadda Dowladda Libiya ee ay taageeradda ka hela Milliteriga Turkiga.

Isagoo Suxufiyiinta kula hadlayey Caasimadda dalkiisa ee Algeris waxa uu ka digay Qorshaha Masaarida ku hubeynayaan Qabaa’ilada degga Bariga dalka Liibiya oo ay Maleeshiyadda Kooxda Khaliifa Xaftar ku xooggan yihiin. “Qabaa’ilada la hubeynayo waxay dalka Liibiya u horseedi doontaa in dalka Libiya loo rogo waxa uu ugu yeeray Soomaalida cusub oo kale” ayuu yiri Madaxweynaha dalka Algeria.

Waxa uu intaasi ku darayin Qabaa’ilada Libiya ee la hubaynayo aysan Libiya ka dhigi doonin Siiryada Cusub, laakiin ay Xaalladda Libiya isku rogi doono sida Soomaalida Cusub oo kale. Ma aha markii ugu horeysay ee uu Madaxweynaha dalka Algeria Tusaale xun u soo qaato dalkeenna Somalia oo haatan ka soo kabanaya Colaadihii Sokeeye ee bilowgii sanadihii 1990-aadkii dhex maray Hoggaamiye Kooxeedyadii iyo Maleeshiyooyinka Beelaha Hubeysan.

Maalmo ka hor, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Algeria ayaa bixiyey Wareysi uu ku soo hadal-qabsaday Erayo Bahdil ku ah Sharafta iyo Haybadda ee dadka iyo dalka Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Hoggaamiyayaal Dowladeed ayaa horey Hadalo Aflagaadayn ah u geystay Somalia, inkastoo ay DFS ka gaabsatay inay Madaxdaasi ku cambaarayso Xad-gudubkaasi iyo inay Raalli-gelin buuxda ka bixiyaan Qaladkooda aan garowshiyada lahayn.