Maamulka Somaliland oo sheegay inay dhexdhexaadin karaan Dowladaha Maser iyo Ethiopia

Xilli ay Maamulka Somaliland galangal xooggan ugu jiraan Aqoonsi Caalami ah ayaa waxay haatan u ololeynayaan sidii ay Dowladda Masar ula yeelan lahaayeen Xiriir Diplomaasiyadeed oo xooggan iyo inay gacan ka geysan karaan xalinta Khilaaafka u dhexeeya Dowladaha Masar iyo Ethiopia.

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Liibaan Yuusuf Osman oo Wareysi Khaas ah siiyey Wargeyska Maalinlaha ee Wararka Masar “Daily News Egpyt” ayaa ka hadlay Xiriirka Maamulka Somaliland iyo Dowladda Masar iyo doorka Masar ee Ictiraaf-raadinta Somaliland iyo inay Somaliland awoodi karto inay dhexdhexaadiyaan Muranka Dowladaha Masar iyo Ethiopia ee ka dhashay Saami-qeybsiga Biyaha Webiga Niil.

Mar uu ka hadlayey Xiriirka Somaliland la leedahay Dowladda Masar waxa uu sheegay inay indhaha ku hayaan sidii ay Dowladda Masaarida ula yeelan lahaayeen Cilaaqaaad Xooggan oo Diplomaasiyadeed iyo mid Ganacsi.

Waxa uu xaqiijiyey in Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Masar ay isbuucii hore booqasho ku yimaadeen Hargeysa, isla markaana ay Kulamo la yeesheen Saraakiil ka kala socday Wasaaradaha Arrimaha Dibedda, Maalgashiga, Kalluumeysiga iyo Xoolaha ee Somaliland.

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Liibaan Yuusuf Osman ma uusan faahfaahinin Magacyada Wafdiga Masaarida ee booqday Somalila, balse, waxa uu carrabka ku dhuftay inay labada dhinac ka wada xaajoodeen sida ugu wanaagsan ee loo horumarin karo Is-dhexgalka Bulsho ee Somaliland iyo Masar iyo Xiriirka Ganacsi ee dhinacyada Kalluumeysiga iyo Xoolaha.

Mas’uulkaasi la hadlay Wargeyska “Daily News Egpyt” ma uusan shaacinin Magacyada Wafdiga Masaarida iyo Xilalka ay hayaan, balse, wax uu xusay inaysan ahayn markii ugu horeysay ee Wafdi ka socda Dowladda Masar ay soo booqdaan Somaliland.

Sida laga soo xigtay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee Somaliland waxa uu tilmaamay inay Dowladda Masar door muhiim ah ka qaadan karto dadaalka Maamulka Somaliland ku doonayaan inay dalalka Carabta iyo Afrika ka helaan Ictiraaf.

“Masar waxay door weyn ka ciyaari karaan Aqoonsigeena Ictiraaf-raadiska ee Caalamka, iyadoo ay Masar tahay dal weyn oo ku yaalla Afrika iyo Dunida Carabta waxay awood u leedahay inay horey u riixaan Kiiskeena Ictiraaf Raadiska Somaliland ee Ururka Midowga Afrika “AU” iyo Ururka Jaamacadda Carabta” ayuu yiri Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee Somaliland.

Waxa uu intaasi ku daray in Somaliland la timid inta badan Inkaaniyaadka Asaasiga u ah Dal Dimuqraadi ah, isla markaana ay Somaliland ka dhaceen Doorashooyin Xor iyo Xaq ah iyo inay leeyihiin Lacag, Ciiddan iyo Baasaboor u gaar ah.

Dhinaca kale, Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Liibaan Yuusuf Osman waxaa wax laga weydiiyey Wararka sheegayo inay Dowladda Ethiopia ka carootay Wafdiga Masaarida ee booqday Hargeysa, wuxuuna ku jawaabay inay awood u leeyihiin inay Heshiis la galaan dal kasta, iyadoo la eegayo Danaha Somaliland, taasina ay tahay Shaqo iyaga u gaar ah.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Heshiiska ay la leeyihiin Dowladda Masar aanu waxyeeli doonin xiriirka ay Somaliland la leedahay Dowladda Ethiopia.

“Somaliland waxay awoodaa inay dhexdhexaadiso Masar iyo Ethiopia, maadaama ay Xiriir wanaagsan la leedahay labada Waddan” ayuu yiri Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Liibaan Yuusuf Osman.

Waxa uu intaasi ku daray in Mowqifka Somaliland yahay in Wada-xaajood Nabadeed lagu dhameeyo Khilaafka Dowladaha Masar iyo Ethiopia ee ka dhashay Biyo-xireenka weyn ee Dib-u-curashada Ethiopia ee GERD.

Xigasho: Daily News Egypt