Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo xilka ka qaaday Gudoomiyaha degmada Wadajir.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Finish ayaa Xilka Ka Qaaday Gudoomiyihii Degmada Wadajir Cabdiraxmaan Ow Cali.

Gudoomiye Cumar Filisha ayaa Gudoomiyaha degmada Wadajir u Magacaabay Bashiir Mohamed Ali, wuxuu Gudoomiyaha cusub ee degmada kula dardaarmay inuu si deg deg ah wax uga qabto dhibaatooyinka ka jira degmada.

Waxaa Degmada Wadajir maalmihii la soo dhaafay ka jiray cabasho ay dadka degaanka ay ka muujinayeen maamulka.

Dhanka kale Degmooyin badan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka taagan dhibaatooyin ay sababeen roobabkii Muqdisho ka da’ay maalmihii lasoo dhaafay.