Dhisme ku soo dumay Xamarweyne oo dad badan laga soo bad-baadiyey .

Muqdisho:- 10 Qof ayaa laga soo badbaadiyay Guri ka kooban saddex dabaq oo ku yaala xaafadda Raqayga ee Degmada Xamar Weyne, Dadka dhismaha dumay ee  laga soo badbaadiyay ayaa 4 ka mid ah  loo qaaday caafimaad si loo baxnaaniyo.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa gaaray halka ay ka socoto howlaha loogu gurmanayo guriga soo dumay, si uu ula socda shaqaalaha gurmadka deg deg ah ee Gobolka Banaadir dadaalka ay halkaasi ka wadaan.