Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah.

Fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada maamulka Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: C/Casiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta waxaa joogay 39 Xildhibaan Ajandaha ayaa ah dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL ayaa dood sharci ah ka yeeshay dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah, 38 Mudane ayaa u codeeyay Ajandaha Kalfadhiga 46-aad qodobka ugu dambeeya laga dhigo dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah, halka hal mudane uu diiday, qof diidayna uusan jirin.

Dhanka kale 22 sanno kadib markii ugu horaysay ayey Xildhibaanada maamulka Puntland ka doodeen Dhameysirka Maxkamadda Dastuuriga ah.