Warkooda iyo waaya aragnimadaada.No. 5=Faallo=

Adoonsigu ma ahan in jir ahaan laguu adoonsadu oo kaliya, Adoonsiga ugu xun waa in Maskaxda lagaa Adoonsado.Waxaa jiro Dad badan oo isku heysto in ey xur yihiin laakin Adoon maskaxeed ah, qaarkood waa Dad aan u naqaan Aqoonyahan, qaar waa hogaamiyayaal Bulsho, qaar waa Hantiilayaal. waxaan Aqaan kuwa badan oo kuwaa ka mid ah.
1.Siyid Cumar Bin khidaab RC, ayaa yiri: ( Goormeed Adoonsteen Dadka, Hooyooyinkood waxa ey dhaleen iyaga oo xur ah).
Sayid Cumar waxa uu la hadlayay kuwa wax adoonsado, Laakin maanta waxaan arkaa kuwo in la adoonsado ku tartamayo, waqti galinayo, dadaal badana ku bixinayo sidii loo aduunsan lahaa. Allah ayaan ka magan galnay, Hogaan Duub, Aqoon yahan, Ganacsade, Culumo iyo Siyaasi Maskaxda gun ka ah.
3. Madaxweynihii Mareykanka Abraham Lincoln, ayaa markii uu xureeynayay Adoonta Mareykanka yiri: ( Sida aanan u jecleeyn in aan Adoon noqdo, ayaana u jecleeyn in aan noqdo milkiile Adoon leh).
weli, waxaa hadda jiro kuwa rabo in ey Adoon noqdaan, kii xureey lahaayan Xagxaganayo, Dakooda iyo Deeqdoodana lagu hor duleeysto.
3. John Mason ayaa yiri: ( waxa aad dhalatay adiga oo original ah, Ha dhiman Adiga oo copy ah). ( F.S: 1aad)
Anigu waxaan dhaldhay Aniga oo Beni aadam xura ah, Somali originaala ah, Allaah ayaa igu hanuuniyay in aan Islaam noqdo, Marna ha iga sugin in aan Noqdo Adoon maskaxeed ama aan dhinto Aniga oo Copynimo Jidkeed ku joogo.
a) waxaa jiro Qof Original ku dhashay original ku dhintay.
b) waxaa jiro Qof Original ku dhashay Copy ku dhintay.
c) waxaa jiro Qof Copy ku dhashay Original ku dhintay.
d) waxaa jiro Qof Copy ku dhashay Copy ku dhintay.
Adigu midkeed jecalaan lahayd?
Qore: Yahay Amir