Boqorka Sucuudiga oo la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada Riyadh.

Boqorka Sucuudiga ayaa la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada Riyadh si baaritaan loogu sameeyo.

Wakaaladda wararka ee dowladda Sucuudiga ayaa ku warrantay in boqor Salmaan oo 84 jir ah uu dareemayo xannuun dhanka kaadi heyska ah.

Salmaan bin Cabdul Caziiz ayaa sannadkii 2015-kii la wareegay xilka boqortooyada Sucuudiga isaga oo 79 jir ah xilliggaas, kaddib markii uu geeriyooday walaalkii boqor Cabdullaahi.

Wuxuu 48 sanno ah ahaa baraasabka ahaa gobolka Riyadh ka hor inta uusan noqon wasiirka gaashaandhigga 2011-kii.