Wararkii ugu dambeeyay iyo Shirka la filayo inay yeeshaan Madaxda DFS iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug lagu wadaa inuu ka furmo shir u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada dalka ka jira,kaa soo looga arrinsanayo xal ka gaarista Arrimaha doorashada.

Shirkaan ayaa ka dhashay shir ay dhawaan Dhuusamareeb ku yeesheen Madaxda Dowlad Goboleedyada, iyaga oo Madaxda Sare ee dowladda ugu baaqay inay wajiga labaad ee Shirka ka soo qeyb galaan si loo wada tashado.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkaasi uu guddoomin doono Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla markaana looga hadli doono hannaanka geeddi socodka siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyo qabsoomidda doorasho waafaqsan dastuurka, sharciga doorashooyinka iyo xeerarka dalka.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa ku sugan Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre, Madaxweynaha Jubbaland oo xalay dib ugu laabtay Dhuusamareeb, iyo Madaxda Maamulada Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug,waxaana la filayaa in uu Maanta dib ugu laabto Dhuusamareeb Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Xalay Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka dhacay kulamo u dhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Jubbaland, iyaga oo ka arrinsanayay sida loo wajahayo shirka ay wada yeelan doonaan.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana ku sugan Ciidamo kala duwan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo gaar ah oo ay wataan Madaxda Sare ee dowladda iyo Dowlad goboleedyada qaarkood.