Ilyaas ”Caruurta Qurbaha aan waqtiga la galin Waxay noqdaan Dilaa ama Daroogiiste…”

Daroogo pistoolad
Waalidiinta ku nool wadamadda Galbeedka waa in waqti badan caruurtooda geliyaan. Aabbe fadhi ku dirir u kalaha ama aabbe waqtigiisa idil geliya shaqo oo caruurtiisa waqti la qaadan oo kala sheekeesan mustaqbalkooda iyo tacliintooda ama hooyo 24 saac talefan ku dhegan ama aroos ama social media ku mashquulsan waxey soo saarayaan caruur aan muslim ahayn, gaalna ahayn, Soomaali ahayn, dalka ay ku noolyihiin Ingariis ama Swedhishna ahayn oo dhaqanka dalkaas iyo aqoontiisa lahayn.

Qof 20 jir ah oo aan aqoon wuxuu yahay jahwareersan, waxbarashada ka saaqida, wadooyinka ku iibiya daroogada, xabsiyada gala, ka soo baxa gala, haddii in la dilo ka badbaado.

Caruurtii Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhashey waxey dibadda u soo saarreen fool xumada waalidka Soomaaliyeed. Nin Carab ah oo bilooyin ka hor kula kulmey Sweden oo la shaqeeya hay’adda Arimaha Bulshada ayaa igu yiri ma ogtahay in Soomaalida caruurtoodu Sweden ka yihiin dhalinyarada ugu badan ee xabsiyada ku jira marka la eego tirada dalka aad ku degantihiin iyo dhalinyaradiina xiran ?. Lama yaabin warbixintiisa !.

Dhalinyaradda Xabsiyadda gala, kuwa dhexdooda isdila ama loo dila arimo daroogada la xariira waxaa maanta ugu badan dhalinyaradda Soomaalida ama Mareykan ha ku noolaadeen ama Kenada, Ingariis ama Sweden.

Mushaakilaadka naga haysta barbaarinta caruurta, burburka qoyska, caruurteena oo waxbarashada ku liidata iyo iibinta mukhaadaraadka waa dhibaatooyin Soomaalida qurbaha ku nool haysata.
Lagama doodo, Tv-yadda Soomaalida iyo culimadeena kama hadlaan. Dhib waxey noqotey qoys walba gooni ula tacaala, dhibaataduna waa dhibaato weyn oo xal bulsho u baahan oo qoys keligii xalin karin.

Dhaqan iyo xadaarad aanan aqoon qaabka ay u dhisan yihiin baan soo dhex galney, waan la qabsan la’anahay, dhib baa na haysta, si aan ugu baxnana ma naqaan.

Abaabul bulsho iyo dooddo cilmiyeedyo arrimahan lagu falanqeeyo ayaan u baahannahay. Haddii kale bulsho waxeynu noqonaynaa iyaga oo nool aasma.

Ilyaas Mohamud Hussein