Geeska Afrika iyo Guuxa Siyaasadeed

Odhaahda Maanta (Talk of the Town)

Gogoldhig

Dalalka la isku yidhaa Geeska Afrika waa Soomaali oo iyadu Geeskaba ah, Djibouti oo dakadda Itoobiya isticmaasho ah, Eriteriya oo ah Bada Cas, iyo Itoobiya oo xadayn rabta biyaha Niilka. Hadii la balaadhiyo gogosha, waxa soo gali kara labada Suudaanood iyo Kenya. Laakiin inta hore ayaa xaqiiq ahaan Geeska Afrika ah. Waa inta isku maran!

Gaar ahaan, taariikhda Soomaalida iyo Eriteriyaanka meelo badan ayey isaga midyihiin. (1) Labadani taariikho guun ah oo ku xidhan Masar (Egypt) iyo Turkiga ayey leeyihiin ayey leeyihiin. (2) Waxa kale oy wadaagaan gumastayaashii rer-Yurub iyo Boqorkii Minilik oo dalkooda gacan ku dhigay sida xiligii 1880hii-1920hii; mar labaad (1940-1950hii) waxa labaduba gacanta u galeen Ingris iyo Talyaani. (3) labada ummadood xiliyo isku mid ah ayaa gacanta loo galiyey Qaramada Midoobay (1940hii ilaa 1950hii UN administration). (4) Mucjisada ugu yaabka badani waa in labaduba Talyaaniga askar u ahayeen oo Itoobiya iyo gumaysiga Amxaarada la dagaalamayeen.

Dadkii aasaasey Kaambo Axmaaro oo Degmada Cabdi Casiis ku taal waxay ahaayeen badankood askartii Talyaaniga ee rer-Ereteriya. Waxa halkaa ku Soomaaliyoobay Eriteriyan badan. Sidoo kale Askar Soomaaliyeed oo badan ayaa Casmara dagtay oo Talyaniga iyo Ingirrskaba u adeegayey.

Waxaase taariikh Soomaalida iyo Ereteriyanku kala weecdeen 1950-1960. Soomaaliya waxa Qaramada Midoobay u diyaarisay xornimo (waa xiliga Soomaalidu u taqaan xiligii Tarashiibka ama Trusteeship). Dhinaca Eriteriya waxa lagu jujuubay in si uun ay Xayle Selaase gacanta ugu galaan.

Waxa Soomaali ka badbaadiyey in aanay Xayle gacanta ugu dhicin dhaqdhaqaaq wadaniyeed oo midaysan, umad isku diin ah, hadaf midaysana leh.

Daad ama mawjada kala qaybisay rer-Eriteriya waxa uu ka soo galay dhinaca Diinta. Xiliyadaas waxa xornimo taam ah Eretirya u rabay Muslimiinta oo 65% ahayd. Xaga qaybta masiixugu rabeen Itoobiya. Xataa Qaramada midoobay waxay hay’ad ahaan u xaglinayeen dhinaca kooxda rabtay in Itoobiya la raaciyo.
Taariikhdu markay ahay 1952 ayaa si buuxda Eriteriya loogu daray Itoobiya.

Dr. Bereket Habte Selassie oo khabiir ku ah arimaha Geeska Afrika dhowr buugna ka qoray arimahan waxa uu isagu ku dootamayaa in Muslimiinta iyo Masiixiguba isku raacsanaayeen xornimada Eriteria laakiin ay Dawlada Ingriisku rabtay in Xayle Selasie la raali geliyo oo Itoobiya la xoojiyo. Dr. Bareket waxa uu aduunka ku mari jiray Baasaboor Soomaali ah si joogta ahna uu marti ugu ahaan jiray Dawladii hore ee Soomaaliya 1970hii ilaa 1980hii).

Sikastaba ha noqotee, waxa dhaqdhaqaaq xornimodoon ah bilaabay garabkii Muslimiinta horaantii 1960, kadibna AUN Cusmaan Salax Saabi oo Muqdishu rerkoodu daganaa iyo rag kali oo badan, sida Ramadan Maxamed, Maxamed Siyad Bare, ayaa horumood ka noqday halgankii hubaysnaa ee Eriteriya.Xiliyadii 1969 iyo intii ka dambeysayna waxa halgan hubaysan bilaabay dhalintii jaamacahada Itoobiya wax ka baranaysa oo uu ugu caansanaa Issayas Afaworke.

Koox aaminsan mabaadiida garabka bidixda (left revolutionary) oo markii dambe la baxay Jabhada Xornimadoonka Shacabka Eriteriya (Eritrean People’s Liberation Front), oo Soomaaliya iyo Carabuhu caawiyaan ayaa dab iyo dhagax ku ganay Itoobiya. Waxa aan inaba la mooganayn gacanta waafiga ah ee dawladii AUN Maxamed Siyyad Bare hogaaminayey ay u fidisay shacabka iyo xornimadoonka Ereteriya.

Geeska Afrika waxa loo kala safnaa 1960-1990 sidatan: Soomaaliya oo ahayd gacanta ugu tunweyn dhinaca xornima doonka ayaa xulifo la ahayd xoogaga Eriteriaya (ELF, EPLF, iyo ELF-PLF), Trigre (TPLF), Oromo (OLF), Sidama (Sidama Peoples Liberation Front), Canfar (Afar Liberation Front), Soomaali Galbeed (Western Somali Liberation Front), iyo xata Jabuuti oo lahay Front for Liberation of Djibouti (FLD). Gadaal waxa xoogangan ka fadhiyey Masar (Egypt).

Garabka kale waxa uu ahaa Boqortooyada Itoobiya iyo dhowr dawladood oo rer-Galbeed ah. Inta badan Itoobiya waxa rer-Galbeedka ku beerlaxawsan jirtay in ay tahay Gaziirad ay Muslimiini ku weegaaranyihiin. Xiligaa rer-Galbeedku si duuduub ah ayey weedhaasi u qaateen ilaa iyo xiligii dagaaladii dhexmaray Muslimiinta iyo Masiixiyiinta (The crusade wars).
Labada xoog ee dagaaladaas ka qaybgalay dhinaca Afrikaanka waxay kala ahaayeen Soomaali uu Imaam Axmed Gurey hogaaminayey iyo boqordii Itoobiya, gaar ahaan Libna Dhingil uu Imaamku dilay. Waxa kale uu Imaamku dilay Vasco da Gama II oo ahaa wiilkii Vasco da Gamihii badmareenka ahaa eek u can baxay shaqsigii ugu horeeyey oo Yurub ka soo kaca Indiya iyo Koonfur Afrika yimaad.

Maxaa hadaba iska badalay siyaasada Geeska Afrika iyo xulifaysiga ku dhisnaa xornimo doon la dagaalamaya gumeysi. Mar haday Eriteriya xorowday, Soomaaliya ilaa xad burburtay, Soomaaliland ilaa hada diidantahay midnimo la soo celiyo, Itoobiya weli la tacaalayso soocelinta midnimo qancisa Axmaaro laakiin qadisa Soomaali, Oromo, Canfar, Sidaamo, iyo kowo kaloo badan, waa sideee sawirka siyaasada Geeska Afrika ee xaadirkan? Waa sidee sawirka Abiy iyo Issias iyo Masar iyo Issias ka dhaxayn kara?

Weliba marka aad intaasoo taariikh ah aa huwiso xasarada ka aloosmi karta arimaha biyaha Webiga Niil iyo Biyo Xidheenka baaxada leh ee Itoobiya rabto in ay buuxsato, baadi goobka Soomaaliland ay ugu jirto Ictiraaf raadis, iyo kacdoonada Oromo een lahayn quwad joojin karta, sawir noocee ah ayaa inooga soo bixi kara Geeska Afrika?

Waa Maawduuca labaad ee fili bertito

Faysal Rooble