Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka digtay Roobab dabeylo wata oo ku soo wajahan dalka.

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay Roobab dabeylo wata oo kuso wajahan meelo kamid ah dalka sida deegaannada Gobolada Jubbooyinka iyo Shabelelaha Hoose.

War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in dabeylahaan la filan karo inay dhacaan saacadaha soo socdo,si gaar ahna uga dhacaan degmooyinka, Kismaayo, Afmadow, Jamaame, Badhaadhe, Marka iyo Baraawe oo ka tirsan Jubbooyinka iyo Sh/Hoose.

Wasaaradda ayaa waxay sidoo kale sheegtay in cabsida ugu weyn ee dabeylahaan ay tahay inay sababaan burbur hantiyadeed sida Guryaha ku dhow dhow deegaannada Xeebaha ah iyo doomaha kalluumeysi, waxaana ay ugu baaqday dadka degan deegaannada Xeebaha inay ka digtoonadaan khataraha ka dhalan kara dabeylahaan.

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ugu baaqday Hay’adaha Gargaarka iyo Maamulada Gobolada Jubbooyinka & Shabeellaha Hoose inay u diyaar garoobaan xaaladahaan soo cusboonaaday ayna taageero u muujiyaan Bulshada.

Warsaxaafadeedka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya.Hoos Ka Akhriso: