Arsenal oo iska Xaadirisay Finalka FA Cup-ka, Arteta oo Ka Aargoostay Pep Guardiola +Sawirro iyo Heesta Kooxda Arsenal

Arsenal ayaa u gudubtay finalka tartanka FA Cup,kaddib markii ay si xun uga aargoosatay Man City isla markaana ku garaacday 2-0.

Mikel Arteta iyo xiddigihiisa oo xasuusan guul-darradii 3-0 ahayd ee bishii June ay Man City u xambaarisay ayaa qaab xooggan ciyaarta ku bilaabatay, waxaana qaybtii hore gool u dhaliyey Aubameyang oo garab ka helayay Nicolas Pepe, waxaana lagu kala nastay 1-0.

Qaybtii labaad ayay Arsenal hoggaanka sii dheerayatay, waxaana gool labaad u dhaliyey weeraryahanka reer Gabon ee Aubameyang oo sidoo kale ku dhowaaday inuu goolal kale shabaqa taabsiiyo.

Manchester City ayaa fursadihii ay samaysay waxa ka diiday goolhaye Emiliano Martinez iyo difaaca Arsenal oo si weyn ugu diyaarsanaa ciyaartan. Sidoo kale, rikoodhe ay Sky Blues ku doodday oo laga soo hubiyey VAR ayaa waxba kama jiraan laga dhigay.

Arsenal ayaa finalka la ciyaari doonta Manchester United iyo Chelsea maanta oo Axadda wada ciyaaraya midkooda soo badiya, waxaana uu kulanka finalku dhici doonaa August 1.

Heesta Kooxda Arsenal Hoos ka dhagayso =Arsenal song=