Nabadsugidda Dowlad Goboleedka Jubbaland oo Howlgal ay sameeyeen ku soo qabtay rag iyo Bambooyin.

Ciidamada Nabadsugidda Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo bandhigtay Walxaha Qarxa oo isugu jira Bambooyinka Gacanta laga tuuro iyo Miinooyinka dhulka lagu aaso oo ay sheegeen in Al-Shabaab ku qarsadeen Gudaha Magaalada Kismaayo.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Shaqaalaha gaar ahaan Suuqa Sariiraha, waxaana howlgalka qorsheysan uu dhacay kadib markii Ciidamada Nabadsugidda Jubbaland ay heshay Xog sirdoon.

“Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa hawlgallo ay sameyeen 24-saac ee la soo dhaafay waxaa ay ku fashiliyeen keyd bambaanoyin iyo miino oo ay kooxda argagixisadda Al-Shabaab ku duugteen Xaafada Shaqaallaha gaar ahaan agaa suuqa sariiraha” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Nabadsugidda Jubbaland.

Howlgal kale waxay Nabadsugiddu sheegtay inay ka sameysay Aagga Jiinka Wabiga Tuulada Yoontooy labadeeda Gedi oo ay ku soo qabteen Xasan Cabdi Ibraahim iyo Abuukar Cabdi Yaxye oo Al-Shabaab u qaabilsanaa soo gudbinta Miinooyinka, dhigista iyo Qarxintooda sida hadalka loo dhigay.

Nabadsugidda Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay inay qirteen labadaan ruux gudbinta Miinooyinka, dhigista iyo Qarxintoodaba, waaxda Sirdoonka waxay sheegtay inay sii wadeyso Baaritaanno dheeraad ah.

Deegaannada Dowlad Goboleedka Jubbaland gaar ahaan Magaalada Kismaayo waayihii dambe waxaa ku sii kordhayay Qaraxyada mas’uuliyadooda sheegtaan Al-Shabaab oo lagu bartilmaameedsado goobo kala duwan.