Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi Balaaran oo ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Maamulka Galmudug.

Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa inuu maanta gaaro magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb gali doona Shirka Madaxda dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyadda oo lagu casuumay.

Wajiga labaad ee shirka Dhuusamareeb ee looga arrinsanayo xal u helista doorashada ayaa inta badan waxaa ka qeyb gali doonna Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Dhanka kale Diyaargarowga soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda ka socoto Magaalada Dhuusamareeb.