Maamulka iyo Bulshada Degmada Buulo burte oo ka wada hadlay amniga iyo fatahaadda Webiga+Sawirro

Buulo-burte:-Maamulka, Saraakiisha Ciidamada, Odayaasha dhaqanka, hay’adaha sama falka  iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan ee Degmada Buulo-burte ayaa ka wada hadlay go’doonka Magaalada saaran muddada dheer iyo sidii laga yeeli lahaa fatahaadda Webiga Shabeelle, ka dib kulan ay wada qaateen.

Kulanka ayaa waxaa si gaar ah Diiradda loogu saaray Waddooyinka soo gala Degmada oo xiran iyo sidii gargaar Bini’aaddamnimo loo geyn lahaa Dadka ku dhaqan degaannada ku teedsan Buulo-burte oo Dadka ku nool ay saameeyeen fatahaadda Webiga iyo Cudurka Corona virus.

Guddomiyaha Buulo-burte , Feysal Haajir Aaden ayaa u mahad celshayay hay’adaha ka howl-gala Degmada, maaddaama ay soo garab istaageen Bulshada halkaasi ku dhaqan xilli lagu jiro marxalad adag, wuxuuna soo dhoweeyay cid walba oo Dhiig jooji u samaynaysa Ummadda dhibaataysan.