Imtixaanka shahaadiga dowadda ee dugsiga sare oo laga daahfuray Jubbaland+Sawirro

Madaxweyne ku-xigeenka 2-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland mudane Cabduqaadir Xaaji Maxamuud ayaa si rasmi ah magaalada Kismaayo uga daah furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Jubbaland, kaasi oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

 

1,014 arday oo ku sugan dhammaan deegaannada Jubbaland ayaa u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare.

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland mudane Cabduqaadir Xaaji Maxamuud ayaa ardayda geleysa imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda, wuxuuna u rajeeyay in Alle ku guuleeyo isagoo kula dardaarmay in ay dhowraan nidaamka ay wasaaradu dejisay si looga fogaado qish.