Faallo: Ma Qorshe horaa, mise waa Qaab daro na heyso?.

A) Maanta waxaa laga Joogaa 150 Sanno markii la yiri: Somaliya yeeyna Shareecada Islaamka isku xakumin.
B) Maanta 133 Sanno ayaa laga joogaa markii la yiri: Somaliya hal xukun ma wadaagi karto ee Gooni gooni uga saxiixo wixii aad ka rabto.
In kasta oo Shirkado Ganacsi ka joogeen haddana Ingriisku awood muuqato kuma leheyn Somalia wixii ka horeeyay 1884 qeybsigii Afrika ee Barlin, taa oo ka dambeysay laciifidii Dowladii Islaamka Cusmaniyiinta ee Xakumeysay Afrikada Islaamka ah inteeda badan,( Taariikhda Cusmaaniyiinta oo si kale loogu sheego Dadka, laguna dhigu Dugsiyada qaar sida Reer galbeedku u macneeyeen) .
Waxaa dhacday 25 Feb. 1870 . in Maj. Jen. Sir E.L. Russell oo Cadan u joogay Ingriiska, in uu Warqad u qoray Sir. C Gonne oo ahaa Xoghayihii UK u joogay mustacmaradii Hindiya –Mumbai, isaga oo leh waxaan la xiriiray wakiilka qarsoon ee Somaliya noo joogo Mr. Mohamud Mahamed oo yiri: Turkiga ayaa ku xoogeysanayo Somalia, Sidaa darteed haddaan Ciidan Ingriis ah la keenin Dekadaha Bulaxaar iyo Berbera labaduba gacanta ayey ka baxayaan. waqtigaa ka hor Ingriisku 30 Sanno ayeey Yaman sii joogeen.
Janaraalka ayaa yiri: Markabka Ingriiska ee “Sind” Ciidan ma saarno, waa sida Markab Ganacsi oo kale, Laakin Markabka Cusmaaniyiinta ee la yiraa “Khartun” ee Berbera iyo Bulaxaar joogo waxaa saaran Ciidan waxa uuna halkaan joogaa 6 usbuuc, mudadaa haddaan Ciidan badeed oo Ingriis ah uuna Badda ka soo muuqan si dhoola tus ah, Somalidu waxa ey Turkiga u aqoonsanayaan awooda ugu xoogan dhinaca Badda. weliba Turkigu waxa uu hadda ku sii fidayaa Badda Cas. ( F.S: 1aad).
Maxamud ayaa na xasuusiyay in Ingriisku ey hore ula galaeen Odayaasha Somalida in aan Berbera iyo Bulaxaar cid kale aan laga iibin Karin. Jeneraalkii Ingriiska ayaa mar kale yiri:
“Qabiilada Somalidu waxay ogol yihiin in Dalkooda lagu xakumo Shareecada Islaamka, taasi waxay fursad siinee, Cusmaaniyiinta ,waa in laga hor tagaa in Shareecada lagu xakumo Soomaaliya”.
Sannadkii 1870kii ayaa Turkigu u magacaabay Gofernar Mumtaz Pasha in uu maamulo laga soo Bilaabo Suez ilaa Cape Guardafui oo ey ku jiraan Dekadaha Berbera iyo Bulaxaar. Fiiri Dhismayaasha Taarikhiga ah ee Turkigu uga tagay Dekeda Bulaxaar ( F.S: 2aad, Magaalada Berbera sawirka 3aad iyo istaatijiyada Deegaan sawirka 4aad ). Isla Sannadkaa 5tii Feb.1870, Jen. Russell ayaa Warqad u qoray Taliyihii Markaba Khratun ee Cusmaaniyiinta kuna yiri: Ingrisku hore ayuu heshiis ula galay odayaashii Somalida .
laakin warqadaa waxaa diiday Gofernerkii Cusmaaniyiinta Pasha.19 April 1870 Turkiga ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay Dhulkii la isku heystay. kadibna Sannadkii 1874, Rudwaan Pasha ayaa yiri: Berbera iyo Bulaxaar Ingriisku sooma gali karo, Islaamkuna waxa uu leeyahay hal Dowlad.
Saddax Sanno kadib 7 sept.1877 Turkiga iyo Ingriska ayaa ku heshiiyay in xeebaha Somalida ilaa Xaafuun loo aqoonsado Turkiga,Turkiguna uu ogolaado in Berbera iyo Bulaxaar ey noqdaan Dekado Ganacsigoodu xur yahay “Free ports” .
Awooda ey lahaayeen Ciidankii Badda ee Turkigu waqtigaa waxaad ka ogaan kartaa Museum-ka lagu aruuriyo Taariikhda Ciidankii hore ee Turkiga, waxaad ku arkee nuucyada kala duwan ee Marakiibtii Dagaalka ee yar yar iyo waaweyn, Madaafiicdii Cusleyd ee Badda ey u isticmaali jireen iyo Sawir xasuuseedkii Taalo ee Naquuda yaashii Maraakiibtaa Dagaalka ( F.S: 5, 6 & 7aad)
Qoraalka Mr. Marques oo ahaa Xoghayaha Arrimaha Debadda Ingriisku uu u qoray Sir. A.H. Lagard 10/10/1887 ayuu ku yiri:
“Somalida Qabiiladeedu dhaqan ahaan hal Qof go’aan uma gaari karo ee midba goonidiisa hashiis ha looga saxiixo”.
Sannad kadib 14 Julay 1879 Sifiirkii Ingriiska ayaa telegaram u diray Dowlada Ingriska Telegaraamkaa oo Numbarkiisu ahaa ( N. 548) .
Maalintaa laga soo bilaabo waxaa la dhaqan galiyay in Somali aan lagu Xakumin iyaduna eyna isku Xakumin Shareecada Islaamka iyo in Go’aankeedu uuna noqon mid hal meel laga go’aamiyo.
Maanta 133 sanno kadib Somaliya maka jirtaa Maamul kuligeed matala oo Go’aan u gaari karo?. Maanta 150 Sanno kadib, ma naloo Ogolyahay in aan isku Xakunnu Shareecada oo aan ku bedelno Koodishihii aan ka dhaxalnay Isticmaarkii?.
Masuuliyiinteenu heer kasta oo ey joogaan arrintaan ma is weydiiyeen?.In la is weeydiiyo, Ogoow waa masuuliyad wadareed Anniga iyo Adigaba na saaran.
FG: Arragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii aan ka khalday ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir.