Qaban qaabo lagu soo dhaweynayo Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo Dhuusamareeb ka socota.

Waxaa Magaalada Dhuusamareeb Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ka socda abaabulka soo dhaweynta Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Saacadii la soo dhaafay waxaa magaalada tagay Wafdi hordhac u ah Madaxweynaha si ay u diyaariyaan Goobta uu degayo, sugidda amnigeeda iyo la socodka dhaqdhaqaaqyada Xarunta Galmudug.

Waxaa ka sii horeeya Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Xildhibaanno, Wasiiro, Senataro, Madax Goboleedyo, Qaybaha Bulshada iyo Siyaasiyiin qaarkood dalka Xilal kala duwan kasoo qabtay lana soo shaqeeyay Dowladii ugu dambeeyay ee ka horeeyay Dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa ah ka qaybgalka Shirka Heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee la filayo in uu Dhuusamareeb ka furmo Bilawga Todobaadka berri bilaabana sida ila xog ogaal ah Mustaqbal u sheegeen.

Dhanka kale Wajigii koowaad ee Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada waxay Madaxda maamulada dalbadeen in kulankooda ay ku soo biiraan Madaxda Dowladda Federaalka si ay uga arrinsadaan Xaaladda dalka, Doorashada, qorshaha kala guurka iyo arrimo kale.