Xasan Muudey ”Golaha baarlamaanka maba heystaan waqti ay soo hadal qaadaan doorashada dalka ka dhaceyso…”

Xasan Cabdulqaadir Muudey, La taliyaha Qaybta Warbaahinta ee Madaxweynaha Hirshabelle ayaa sheegay inay maanta Maamul Goboleedyada ka arrinsadaan nooca doorasho, ee ay tahay in dalka laga qabto, ay timid ka dib fursad laga helay dhinaca Baarlamaanka Somaliya, haddii ay ku guuldareysteen inay waqtiga ugu haboon ku meel mariyaan Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

“Sharcigii doorashooyinka ay Baarlamaanka qaban waayeen intii muddo xileedka ay hayeen, munaasabkana ku aheyd ma ahan maanta oo 3 bilood iyo baryo xilkooda kaga dhiman yahay ay qiil ka raadiyaan muddo dhamaatay. In Dowlad Goboleedyada ay soo saaraan xeerarka lagu galayo dooraasho waqtigeeda ku dhacdo ma ahan xeer ee waa xal, waxaana fursaadaa siiyay dhammaan Labada Gole iyo Gudoonkooda.” Ayuu yiri Xasan Cabdulqaadir muudey.

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan marna la aqbali karin in xasaanad gabaabsi ah wadankan loo galiyo jahwareen siyaasadeed, waana in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu garowsado waqtiga uu heysto iyo waxa uu leeyahay anagaa sharci ahaan u leh.”

Muudey oo soo hadalqaaday tallaabada uu Gudoomiye Mursal ku naqdiyay socdaalkii Mahad Cabdalla Cawad, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka uu ku tagay Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku tilmaamay mid meel dhac ku ah Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Xasan Cali Khayre iyo Mahad Cabdalla Cawad.

“Arrinta ah Gudoomiyaha 2aad ee Golaha Shacabka, Mahad Cabdalla Cawad tagistiisa Dhuusamareeb in lagu ijaafeeyo waxay la macna tahay muxuu ula safray Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, taasoo iyadana ah meel ka dhac lagu sameeyay Madaxa Xukuumadda iyo Gudoomiye Cawad.” Ayuu yiri Muudey.

Muudey oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay “Waa in aanaan laga qoomameyn shaxda siyaasadeed ee maanta taal, Gudoomiye Mursalna uu gadaal u fiiriyo farxaddii uu dareemayay maaalintii xilka looga qaadayay walaalkii xilka isaga kaga horeeyay ee Prof. Maxamed Cismaan Jawaari. Xasaanadaha maanta waxaa ka sareeya xalka lagu bad baadinayo siyaasadda doorasho ogol in laga wada yahay.”

Mudey