Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta akhrinta labaad marsiinaya sharciyo muhiim ah.

Muqdisho:-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta kumeel gaarka Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.


Ajendaha kulanka ayaa ah Akhrinta labaad ee wax ka bedelka sharciga xisbiyadda siyaasadda dalka,waxaana xildhibaannada lagu wargeliyay inuu jiro kulanka golaha shacabka.