Xaliimo Yarey “Ma aaminsanin Go’aanka ka soo baxay Madaxda DG ee ahaa inaysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah..”

Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ee ku shirayey magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inaysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah oo lagu qabto waqtigii loogu talogalay.

War-murtiyeed ay soo saareen ayay madaxdu ku soo jeediyeen in laga wada-hadlo siyaabaha kale ee doorasho ku qabsoomi karto.

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Yarey ayaa sheegtay inay soo dhaweynayaan go’aanka ka soo baxay Shirka Madasha, islamarkaana ay ku shaqeyn doonaan go’aankooda.

Xaliimo Yarey waxay sheegtay in doorasho iyo qof cod ah ay dalka ka dhici karto, islamarkaana aysan aaminsaneyn go’aanka ka soo baxay Madaxda maamul goboleedyadda ee ahaa inaysan dalka ka dhicin doorasho qof iyo cod ah.

Dhanka kale Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in Shaqadda guddiga aysan kala tashan arrimaha doorashada ayna ku shaqeyn doonaan wixii ay soo waddeen Muddo Shan Sano ah.