RW Khayre iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada oo kulan wadayeeshay. 

Waxaa Magaalada Dhuusamareeb Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug kulan gaar ah ku yeeshay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug.

Labada dhinac waxay iska xog wareysteen xaaladda siyaasadeed ee dalka, Shirkii dhawaan ugu soo gaba-gaboobay Dhuusamareeb, wajiga labaad ee kulanka Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo qodobo kale.

Madax goboleedyada ayaa tagay Hoyga Dhuusamareeb laga dajiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre kulankaasi kadib,waxay isku soo hadal qaadeen hordhaca Shirka dhawaan dhexmarayo Madaxda DFS iyo DG.

Socodka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay ugu tageen Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa kala horeeyay, maadaama meelo kala duwan Dhuusamareeb laga kala dajiyay.

Ka hor inta aysan u tagin Khayre waxaa dhexmaray xiriir telefoon oo ay ku ballameen booqashada kooban, kolkii dambe kulan gaar ah ayay kuwada qaadeen Hoyga uu degan yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lakulmay Madaxda Maamulada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Dhanka kale Kulanka waxaan ka qaybgelin Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo Dhuusamareeb ka maqan ayaa Garoowe u aaday aaska wadajir ah ee loo sameynayo Alle ha uwada naxariistee Xasan Abshir Faarax Ra’iisul wasaarihii Dowladdii KMG ah ee Carta iyo Madaxweyne ku xigeenkii 1-aad ee Puntland ahna Madaxweynihii labaad ee soo maray maamulkaas Maxamed Cabdi Xaashi.