Gudoomiyaha Baarlamaanka “Ma jirto meel ay Destuurka kaga qoran tahay in xilligaan la aado doorasho dadban…”

Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka soo horjeestay shirka Madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo xubnaha Dowlad-goboleedyada dalka ee ka furmaya Dhuusamareeb.

Gudoomiye Mursal ayaa sheegay inaysan aqblayn doorasho dadban oo xilligaan loo laabta wuxuuna sheegay inay muhiim tahay in dalkaan ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah isla markaana howlaha doorashada xilligaan ay taalo Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Golaha shacabka ayaa sheegay in Dowlad-goboleedyada dalka aysan xaq u lahayn in ay doorashada Soomaaliya go’aan ka gaaraan loona baahanyahay in baarlamaanka loo madaxbaneeyo doorashada sida uu hadalka u dhigay.

“Meel ay ku qoran tahay ma jirto xilligaan in la aado doorasho dadban, wixii shuruuc ah ee doorasho lagu aadi lahaa waxaa iska leh Baarlamaanka malahan dowlad goboleedyada”. Ayuu yiri Guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal oo maanta ka hadlayay fadhiga Baarlamaanka.

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in gudoomiye ku xigeenka 2 aad ee golaha shacabka oo ku sugan Dhuusamareeb uusan matalin Baarlamaanka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

“Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cawad matalaad uu matalayo Golaha Shacabka kuma aadin magaalada Dhuusamareeb, arrintaas fajac ayay nagu noqotay markii aan aragnay sawirada isaga oo la socda Ra’isal Wasaaraha, saaxiibkeen Mahad Cawad danihiisa ayuu u aaday Dhuusamareeb ee anaga nama matalo, guddoon daba socda Xukuumadda wa ceeb” ayuu yiri xilli wajigiisa laga dheeha karay carada uu ka qaaday safarka Gudoomiye Mahad Cabdalla Cawad ee Dhuusamareeb.

Arintaan ayaa u muuqato mid uu uga hor imaanayo war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii dowlad goboleedyada ee ahaa in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, taa oo bedelkeedana la aado doorasho dad ban.