GO’AANKA DOORASHO DAD’BAN MA SOOMAALI KALIYAA LEH?

Soomaaliya marxaladda adag ayku jirto awgeed waxaysan sinaba uga maarmin doorashadda dalka beesha Caalamka iyo deeq-bixiyayaasha, dhanka dhaqaalaha, ciidamadda sugi lahaa Amaanka goobaha cod bixinta iyo gunaanadka ka soo baxo doorashadaas ay hesho kalsoonida beesha Caalamka ( legitimacy)
HADABA BEESHA CAALAMKA DIYAAR U TAHAY INAY SOOMAALIYA KU TAAGEERTO DOORASHO DAD’BAN 2021?
– COVID 19, awgeed beesha Caalamka dhaqaale uma hayaan Soomaaliya 60 milyan ay codsadeen UNSOM.
– Ciidamadii Amison ee loogu tala galay inay sugnaan Amaanka goobaha doorashadda uu ahaa qorshahu in lagu kordhiyo 2000 askari, waxaa hakad geliyay Covid 19.
– Si loo hubdaso in doorashadda ayku dhacday mid hufan ( transparency) waxaa muhiim ah in la keeno kor joogayaal Ajanabi, taasina waxaa hakisay Covid 19.
– UNSOM Awood uma laha inay jibiso xeerkii Golaha Amaanka Qaramadda Midoobay ee ahaa inay Soomaaliya ka dhacdo doorasho furan 2021, waxaa qasab ah in dib loogu noqdo Qaramadda Midoobay go’aan ka gaarista doorashadda Soomaaliya.
Qodobadaan awgood ma jiri karto doorasho waqtigeeda ku dhacda, waxaa qasab noqon doonto inay beesha Caalamka iyo Deeq bixiyayaasha ay yiraahdaan diyaar ma nihin waqtigaan lagu jiro awgeed.
Hadaba Soomaaliya awood ma u leedahay inay heshiyaan oo ayka maarmaan aduunka oo ay qabsadaan doorasho?
Waxaan aaminsanahay in qodobadaan ay noqon doonaan kuwii looga gudbi lahaa doorasho dad’ban, waxaa qasab noqon doonto in loo diyaar garoobi doono doorasho furan ( one man one vote)
Waxaa run ah marxaladda dalkeena ku jiro awgeed I aanan kaligeen lahayn go’aanka, ceebtaana waa mid aan anaga maduuliyadeeda leenahay.
Sheiknor A. Qassim