Dagaal culus oo xalay Gobolka Hiiraan ku dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Al-Shabaab.

Wararka ka imaanaya G/Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan uu xalay ka dhacay degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, iyadoo dagaalka uu u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degaankaas iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga Ciidamada Itoobiya oo ka tirsan AMISOM,waxaana dadka degaankaas ay sheegeen inuu halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan saacad.

Wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in dagaalkaas labada dhinac ee dagaalamay uu khasaaro ka soo gaaray,hayeeshee aan si rasmi ah loo ogaan karin maadaama xilliga uu dagaalka dhacayay ay aheyd habeen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalkii ka dhacay degaanka Halgan khasaaro lagu gaarsiiyay Al-Shabaab,isla markaana Maamulka degaanka uu dhawaan faah faahin ka bixin doonaan.

Dhanka kale wararka saakay laga helayo degaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid degan, hayeeshee Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Maamulka degaanka ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyo howlgallo ay ku baadi goobayaan raggii hubeysnaa ee soo weeraray degaanka.