Shirka Dhuusamareeb: Farmaajo iyo Khayre ma aqbali doonaan casuumaadda loo fidiyay?

Shirkii madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya oo maalin kahor wajigiisa koowaad lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kasoo baxay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay sidii wadatashiga loo ballaarin lahaa, madaxda dowladda federaalkana waxay ugu baaqeen inya Dhuusamareeb yimadaan.

Maamul goboleedyada ayaa sheegay in maadaama dalku aanay xilligan ka dhici karin doorasho “qof iyo cod ah” loo baahan yahay in ay dhacdo doorasho taladeedu loo dhan yahay “nooc ahaanna ku dhici karta muddo xiliyeedka harsan”.

Dowladda federaalka ilaa iyo hadda kama aanay hadlin casuumaadda madaxda maamul goboleedyada ay u fidiyeen, arrintaas oo haatan wali la isweydiinayo.

Haseyeeshee qaar kamid ah dadka darsa arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya ayaa aaminsan in dowladda federaalka ay ka qeybgeli doonta shirka wajigiisa labaad, ayna jirin wax ay ka didaan madaxda federaalka oo kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb.

“Waa suurtagal in ay ka qeybgalaan shirka Dhuusamareeb wajigiisa labaad, sababtoo ah wax weyn oo madaxda federaalka ay ka didaan shirka kama soo bixin, waxwalbana waxay ku xirnaan doonaan sida madaxweynaha Galmudug uu u xariiftamo”, ayuu yiri Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka fallooda siyaasadda Soomaaliya.

.

Dowladda Federaalka ayaa horay madaxda maamul goboleedyada ugu casuumtay shir qorshihiisu ahaa in uu ka dhaco magaalada Muqdisho shanta bisha Luulyo, inkastoo uusan qabsoomin.

Dadka qaar se waxaa ay su’aal gelinayaa suurtagalnimada ah in dowladda federaalka ay ka qeybgasho wajiga labaad ee shirka Dhuusamareeb.

“Waxaan rajeynayaa in madaxda federaalka ay ka qeybgasho, wax fiicanna ay kasoo baxaan, balse federaalka iyo qaar kamid ah maamulada aaminaad ma dhextaalo, haddii dowladda federaalka ay ka qeybgasho wajiga labaad ee shirka Dhuusamareeb, waxaa horyaala garnaqsi laga yaabo in looga garhelo dowladda federaalka”, ayuu yiri Cabdi Ismaaciil Samatar oo la hadlay BBC-da.

Wuxuu intaa raaciyay in qaar kamid ah maamul goboleedyada aanay ku qanacsaneyn qaabka ay wax u wado dowladda federaalka, haddii madaxda ay ka qeybgalaan ay horyaalaan arrimo ay kamid tahay farogelin maamulada qaar ay ku eedeeyeen.

Mucaaradka iyo Dhuusamareeb II

.

Madaxda maamul goboleeda ayaa kulanka labaad ee Dhuusareeb ka dhici doona ku martiqaaday madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha dowladda Federaalka oo keliya, iyagoo ka tegay guddoonka labada aqal ee baarlamaanka, hogaamiyayaasha mucaaradka iyo gobolka Banaadir oo loo arko inay yihiin qeyb kamid ah saamileyda siyaasadda.

Prof. Afyare Cilmi oo isna darsa siyaasadda Soomaaliya, waxna ka dhiga jaamacad ku taalla dalka Qatar ayaa ku doodayay inay dhinacyadaasi ay mudan yihiin in laga talageliyo hannaanka doorashada.

“Mar waliba qolada mucaaradka ah ee danta ka leh kursiga waa in ra’yigooda la helaa. Meelaha qaarkood guddiyada doorashada ayay xubno ku darsadaan, laakin anagu waxayaga way iska cusub yihiin. Marka waa in si uun loola tashado oo la yiraahdo xitaa haddii aydaan go’aanka gaareyn talada wax ka yeesha,” ayuu sheegay Afyare.

Soomaaliya ayaa la filayay inay ka dhacdo codbixintii ugu horreysay ee dimuqraadi ah muddo 50 sano kabadan. Xisbiyo badan oo si kumeelgaar ah loo diiwaangeliyay ayaa doonaya inay u tartamayaan doorashadaasi oo guddiga doorashada ay sheegeen in aysan suurtagal ahayn in wakhtigeeda ay ku dhacdo.

Guddiga doorashada ayaa soo bandhigay laba nooc oo doorasha ah oo ay sheegeen in labaduba aanay ku qabsoomin karin inta ka hartay muddo xileedka hey’adaha iminka jooga, taasi oo horseedi karta muddo kororsi aysan ku taageerin dowlad goboleedyada iyo mucaaradka.

Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre labduba waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay doorasho wakhtigeeda ku dhacdo, waxaase aan la ogeyn suurtagalnimada arrintaas, maadaama guddiga doorashada uu sheegay in mudada hartay uusan ku qaban karin doorasho qof iyo cod ah.

Xigasho:BBCSomali