Saraakiil Kenyaan ah oo baaraya sababta ay u dhacday diyaarad u adeegta Militariga ka jooga Soomaaliya.

Warbaahinta gudaha Kenya ayaa sheegtay in Xukuumadda Kenya ay guddi u xilsaartay inay ka soo salgaaraan diyaarad military gaar ahaan nuuca qumaatiga u kaca oo u adeegi jirtay Militariga ka jooga Soomaaliya oo dacday shalay.

Diyaaradda ayaa soo dhacday Isniintii shalay, waxaana ku geeriyootay labo ruux oo ahaa Duulliye iyo caawiyihiisa oo xiligaas ku guda jiray mid ka mid ah safarada loo qorsheeyay inay sameeyaan.

Nuuca diyaaradda waa hughes 500M, waxay si gaar ah ugu diiwaangashaneed Waaxda difaaca Kenya oo xamuul ahaan agabka ciidamada u qaadi jirtay, halka mararka qaar lagu daad-gureyn jiray Askarta.

Kenya ma sheegin sababta keentay inay dhacdo diyaaraddaan oo burburtay, balse Warbaahinta Maxaliga ah ayaa warisay inay ku soo dhacday deegaanka Kithyoko ismaamulka Machakos ee dalka Kenya.

Karanja Muiruri oo ka mid ah saraakiisha ciidamadda ee ku sugan Machako ayaa sheegay inay arkeen diyaaradda oo dhacday, isla markaana ay ku geeriyoodeen duulliyaashii saarnaa, balse xogta intaas ka badan ma uusan bixin.

Dhanka kale Khubaro ka socda Dowladda Kenya ayaa gaaray deegaanka diyaaraddu ay ku dhacday, waxay bilaabeen baaris ay uga daba-tagayaan xaqiiqada sababta keentay inay dhacdo diyaaraddaan oo ka mid ah diyaarado Kenya dhawaan heshay si ay ugu adeegsato la dagaalanka waxa loogu yeeray Argagixisada.