Maxkamada G/Banaadir oo sheegtay inaysan Caddeyn Cidda eedeysay Wariye Gurbiye

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta la horgeeyay Wariye C/Casiis Axmed Gurbiye oo ka tirsan Warbaahinta Goobjoog ayaa ka soo horjeesatay inaysan awood u laheyn qaadida Kiiska Wariyaha oo todobaadkii hore Qareenada Wariyaha u dooday ay ku sameeyeen is horistaag.

Maxkamadu waxay sheegtay inay Kiiska Mar kale dib u dhigtay, Garsooraha Maxkamada gobolka Banaadir ayaa sheegay inaysan caddeyn Cidda soo eedeysay Wariyaha, islamarkaana looga baahan yahay xeerilaalinta in ay soo caddeeyaan.

Garsooraha ayaa sidoo kale sheegay in xeer ilaalinta habka ay dacwadda u soo qoreen inaysan waafaqsaneyn xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, sidoo kalena aysan ku cadeyn waxa loo heysto wariyaha.

14-kii Bishii April , Cabdicasiis waxaa loogu yeeray saldhigga degmada Hodan waana la xiray afar maalmood ka dib markii uu dhaleeceyay dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxtooyadda qaabka ay ula tacaashay Cudurka Corona virus Warbixin uu kusoo daabacay bartiisa Facebook.

Dhanka kale C/Casiis ayaa maalmo kadib damiin lagu sii daayay,laakiin waxay uga digeen inuu sii wado faallo kasta oo xasaasi ah oo ay ka mid tahay Covid-19.