Madaxda Dowladda Federaalka oo maalmaha soo socda ku biiraya Wajiga 2-aad ee Shirka magaalada Dhuusamareeb .

Magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa xalay lagu qabtay Munaasabad lagu soo xiraray wajiga 1-aad Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada ee dhacay 11-ka iyo 12-kii bishaan July.

Munaasabadda xiritaanka waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug oo Martigeliye ahaa mudada uu kulanka socday.

Image may contain: 9 people, people sitting

Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor Madaxweynaha Galmudug oo khudbadda xiritaanka jeediyay waxa uu sheegay in wajiga labaad Shirka in ay rajeynayaan ka qaybgalka Madaxda DFS oo maalmaha soo socda ku biireysa.

Image may contain: 2 people

Rajo wanaagsan ayuu ka muujiyay in kulankaas labaad inuu u dhaco sida wajiga 1-aad uu ugu soo dhamaaday bilaa muran, maadaama Madax goboleedyadu ay isla garteen qodobadii miiska lasoo dhigay.

“Towfiiq iyo talo ayuu kusoo dhamaaday wajiga koowaad ee shirka, sida la tilmaamay xalka iyo sida wax waliba loo wajihi karo, waxa aan u gudbeynaa qaybta labaad oo aan rajeyneyno in ay kusoo biiraan Madaxda DFS, waxa aan isla garanay in uu maro wadada shirka dhamaaday oo kale” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor.

Image may contain: 4 people

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa shacabka iyo guud ahaan reer Galmudug ugu baaqay inaysan ka daalin kaalmada iyo dadaalka xooggan oo ay gelinayaan Shirarka xalka u ah dalka.

Image may contain: 9 people

Taageero dheeraad ah ayuu ka dalbaday inay u muujiyaan inta ay ku howlan yihiin meel u ridista doorashada dalka mudada 4-ta sano ee soo socota, maadaama DFS iyo DG ay ku xiran tahay go’aamada ay isla gaaraan si looga gudbo waqtiga kala guurka ah.

Image may contain: 7 people, outdoor

Madaxda sare ee Dowladda Federaalka sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoonka labada Aqal BFS ayaa la filayaa inay tagaan Magaalada Dhuusamareeb oo lagu casuumay ka qaybgalka kulanka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, si loo saldhigo Doorashada dalka.