Gardarro ma fiicno lagumana liibaano!!!.

Maxaa laga rabaa 2daan oday oo maalin kasto afka loogu hayaa, loo xag xagxagataa, loo aflagadaya, qaarna inkaartamo, wax kastoo halaabo la leeyahay iyagaa haleeyay, ma xuma in wax lays weydiyee ma idiinkaa wax u dhiibateen,ma idinkaa duubateen,ma idinkaa caano ku shubateen.
2da oday waa muwaadaniin xur ah oo noloshooda sida ay doonaan u maamulan karaan cid dhihi karto ama xaq u leh in ay kula doodo qaabka u dhaqankooda yahay ma jiro, waa gardarro iyo meel ka dhac wanaagsaneyn.
Yaa idiin yiri midna waa Imaan kan kalana waa Ugaas, fili maayo mana maqal in iyaga idiin yiraahdeen Dhaqankiina nahay.
Malaaqa, Yabarka Suldaanka ayaa xaq u lee dihiin in aad tiraahdaan qaabka aad wax ku wadid nama anfacdo ee badal, sida aad wax u sheegaysid wax ka badal, dhaqanka ku ekow.
XAQ AYAA U LEEDIHIIN in aad ku tiraahdaan DHAQAN AAD DUUBATEEN.
Mid aad idinka duubanin oo idiin leh war Ugaas idiin ma ihi oo Imaamkiina ma ihi xaa naga rabtaan waxaan u arkaa in Maxamed Yuusuf iyo Maxamuud Cali Ugaas 100% laga gardaran yahay, hadii ay dhinaca MW Farmajo iyo Dowlada maraane oo dhinacaas dantooda ka arkeen xor bay u yihiin.
Hase yeeshee waxaa run ah in ay yihiin (cheaters, charlatan) qayaanolayaal oo ku qaraabto magaca dhaqanka Mudulood, dad badan ayaa ku qaraabto magac ay laheen, darajo ay lahayn, hanti ay lahayn, kuwaas ayee la mid yihiin.
Tan ayaa ku doodi kartiin, cabashadiina ka muujin kartiin ugu dambeyna Maxkamad hor keeni kartiin.
Muduloodow 2 arin mid soo gala:
1) In aad Duubataan 2da Imaam kii woqooyi
(wiilka Imaam Maxamuud Imaam Cumar) iyo
kii koofureed (Imaan Indhabuur).
2) In meel laysku keeno oo la samayo guddi ka
kooban dhaqanka hoose sida Malaaqa,
Wabarka,Suldaanka iyo inta kale,
dhaqankaan hoose ee duuban u kaltamaan
hogaanka guud ee Mudulood kiiba 2-3 ama
4 bilood, sidii hogaanka YUGUSLAVIA
loo sameeyay dagaalkii ka dib Inta
IMAAMADA XALAASHA LAGA DUUBAYO.
Saan ma noqon weysay, halayska dabawareego.
Waa Bilaahi

Towfiiq
Dr Abuukar Nuur Xuseyn.