Allaha u naxariistee Wariye Afrax Yare oo xalay ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Muqdisho:-Alla ha u naxariistee wariye Sheekh Cabdullahi Cali Afrax (Afrax Yare) ayaa Xalay ku geeriyoodey magaalada Muqdisho, isagoo mudooyinkii ugu danbeeyayay ku xanuunsanaa Muqdisho, sidoo kale wuxuu ka tirsanaan jirey wariyayaashii raadiyo Muqdisho 80-kii ilaa 90kii.

Afrax Yare Wuxuu ka mid ahaa soo saarayaashii Barnaamijka Bandhiga Raadiyaha iyo falooyinkii raadiyaha ka bixi jirey, wuxuu ka soo shaqeeyay tababarna uu ku soo qaatay BBC laanta Afka Soomaaliga. Xiligii burburka wuxuu idaacadii HornAfrik ka bilaabay barnamijka diiniga ee dhaqanka islaamka oo uu soo saare iyo soo tebiye uu ka ahaa .

Allah ha naxariiste maexuumka wuxuu ku dhashey magaadan Muqdisho sanadku markuu ahaa1953dii, waxaa uu waxbarashada hoose iyo sare ku qaatay Dugsiyada Shibis, Bartamaha, 15-ka May ayuu dugsiga sare ku dhamaystay isagoo hadana ka mid noqdey ardaydii Kulliyada Kiimikada ee Jaamacadda ummadd Soomaliyeed.(Gahayr)

Allaha ha u naxariistee xalay ayuu ku geeriyooday magaalada Muqdish waxaana ka tacsiyadeeyay guud ahaan bahda warbaahinta ee uu ka baxay, sidoo kale Bahda Idaacadda Somaliweyn ayaa iyana ka tacsiyeynaya Geerida Wariyaahaas.

Inaalilaah wa inaa illeyhi Raajucuun.