Warkooda iyo Waaya Aragnimadaada. No.2

1. Mr. Maxamed Cali Kalaay ayaa yiri: Wax adag ma ahan in aad Naftaada u hurto Saaxiibkaa dartii. Laakin waxaa adag in aad hesho Saaxib mudan in Nafta loo huro.( F.S: 1aad).
( Somaliya, wax adag ma ahan in aad Naftaada u hurto Dadka. Laakin, aaween Dadkii loo huri laha?) .
2. Mr. Tashii Jifaara ayaa yiri: Xaqa haka aamusin, waxaad arkee sida Mujtamacu kuu karaahsado.( (F.S:2aad).
( Somalidu ma ku jirtaa, kuwa Runta kugu karaahsado?)
3.Murtida Taariikhiga ah ayaa leh: Akhlaaqda Jaahilka waxaa ka mid ah.
1. Waxa uu kuu jawaabaa ka hor inta uuna ku dhageeysan.
2. Waxa uu ku mucaaradaa ka hor inta uuna ku fahmin. 3. Waxa uu go’aamiyaa wax uuna Aqoon. (F.S: 3aad)
( Sax ma tahay ?)
4. Mr. Will Rogers ayaa yiri: Diblomasiyadu waa, in Eeyga aad si naxariis leh ula Ciyaarto, ilaa aad ka hesho Dhagax aad ku disho. ( F.S: 4aad)
( Diblomaasiyiinta iyo Siyaasiyiinta Somalidu ma ogyihiin in ey dhici karto in ey jiraan Ajnabi nala ciyaarayo, oo sugayo Dhagax ey nagu Dilaan)
Qore: Yahya Amir